Gudaha Ka Eeg : Shirkii Lagu Falanqeenayay Barnaamijka Siyaasiga Ah Ee Xisbiga KULMIYE Oo La Soo Gunaanaday .

Shirkii falanqaynta barnaamij-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE u diyaariyey inuu ku galo doorashada Madaxtooyada ee u qorshaysan 13-ka bisha November ee ay ka qaybgaleen aqoonyahanka jaamacadaha dalka qaarkood, ayaa la soo gunnaanaday xalay kadib laba habeen oo uu ka socday Hargeysa.
Shirkan oo uu soo abaabulay Garabka Dhallinyarada heer Qaran ee xisbiga KULMIYE, waxa labadii habeen ee uu socday lagu lafo-guray barnaamijka cusub ee siyaasadda xisbiga oo ka kooban toddobo qodob oo waawayn, soona hoos galayaan dhammaan qaybaha nolosha iyo arrimaha taabanaya dalka ee barnaamijka, kuwaas oo si buuxda loogu bandhigay aqoonyahanka jaamacadaha dalka si looga qaybgaliyo wixii fikir iyo talo ahba inay ku darsadaan.
Kulanka waxa habeenkiisii labaad lagu sharraxay saddex qodob oo kala ah; arrimaha bulshada oo ay hoos yimaadaan waxbarashada, caafimaadka, biyaha, waxyaabaha aasaasiga ah u nolosha, qaybaha bulshadu ka kooban tahay, laba; garsoorka iyo caddaaladda iyo ka saddexaad oo ah amniga iyo nabadda, kuwaas oo si faahfaahsan loogu bandhigay aqoonyahanka.
Sidoo kale, aqoonyahanka iyo dhallinyarada ka qaybgalay kulanka ayaa iyaguna halkaasi ku soo bandhigay aragtiyahooda la xidhiidha barnaamij-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE iyo wixii aqoontooda ay ku biirinayaan.
Ugu dambayntii, Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada heer Qaran ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi, ayaa shirkaasi soo xidhay, waxaannu si wayn ugu mahadceliyey aqoonyahanka kala duwan ee ka qaybgalay oo uu ku wargeliyey in wixii talo iyo tusaaleba ay soo jeediyeen noqonayaan kuwo si wayn loo tixgeliyo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso