Koox Al-Shabaab ah oo Saaka Weerar ku eekaysiisay Saldhig Ciidama AMISOM Ciidamada Jabuuti ay leedahay oo Ku yaala Booleburde

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalyahano hubeesan oo katirsan Kooxda Al Shabaab saakay weerar xoogan ku qaadeen saldhig Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa kasocda dalka Jabuuti ku leeyihiin Degmada Buulo Burte.

Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay labada dhinac ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay Degmada Buulo Burte gaar ahaan saldhiga la weeraray, waxaana saakay aroor hore Buulo Burte si weyn looga maqlayay dhawaqa hub culus oo la is dhaafsanayay.

Khasaaro ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay dagaalkan xoogan ee saakay dhax maray Ciidamada Jabuuti iyo kuwa AMISOM, mana jiro ilaa hada cid faah faahisay khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay Degmada Buulo Burte.

Wararka la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in la jaray Isgaarsiintii degmada Buulo Burte, lamana oga cida ka dambeysay in hawada laga saaro isgaarsiinta Degmadaasi, waxaana wali adag in warar faah faahsan laga helo degmadasai.

Advertisement

Ku Xayeysiiso