Gudaha Ka Eeg :Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale Oo Ka Hadlay Cidda Lahayd Erayada Iyo Laxanka Heesta Soomaaliyeey Toosoo Isku Tiirsada Oo Uu Sheegtay Abwaan Reer Koonfureed Ahi.

Siyaasi Boobe Yuusuf Ducaale sida oo kale na ah taariikh ururiye kuna xeel dheer gabayada, suugaanta iyo fanka Soomaaliyeed oo si weyn loogga yaqaano guud ahaan Soomaalida dhexdeeda, ayaa si cad u soo bandhigay ciddii sameysay erayada iyo weli ba laxanka heesta “Soomaaliyeey Toosoo Isku Tiirsada.”, oo muddooyinkii dambe ay soo baxaysay dad kala duwan oo siyaaso kala durugsan u sheeganaya curinta erayada iyo laxanka lu dhan heestaasi oo imika hees qaran u ah dalka Samaliya.

Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe) oo hada ku sugan magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu si faahfaahsan uga hadlay muranka ka dhashay heestaasi isaga oo si cad u soo bandhigay cidda lahayd erayada heestaasi iyo weli ba laxanka ku ladhan ba, waxaana uu sheegay in abwaankii weynaa ee Yuusuf Xaaji Aadan Qabile uu lahaa erayada heestaasi oo hada uu sheegtay nin la yidhaahdo Cali Mire oo ka soo jeeda Koonfurta Somaliya.

Boobe Yuusuf Ducaale, waxa sida oo kale uu si xog-oggaalnimo ah uu u soo bandhigay wakhtiyadii la sameeyey heestaasi iyo weli ab sida oo kale sheekooyin ku saabsan heestan oo dhex-martay isaga iyo Yuusuf Xaaji Aadan Qabile iyo weli ba sida oo kale wakhtiyadii ay dawladda Siyaad Barre heestan u qaadatay in ay noqoto heestii calanka Somaliya oo illaa hada ay u adeegsadaan.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso