Gudaha Ka Eeg :Boqorada Dalka Britain Oo Booqatay Dadkii Ka Badbaaday Dabkii Ka Kacay Dhisme Ku Yaalla Galbeedka London .

Boqoradda dalka Britain ayaa booqatay dadkii ka badbaaday dab toddobaadkii hore ka kacay dhismo ku yaala galbeedka magaalada London.

Boqorad Elizabeth II oo la kulantay dadkii ay dhibaatadu soo gaadhay ayaa sheegtay in ay tahay arrin adag in laga baaqsado in xanuunka lala qeybsado dadka, waxaana ay intaa ku dartay in dalka Britain ay soo wajahday mussiibooyin dhib badan toddobadyadii u dambeeyay.

Boqoradda dalkaasi iyo amiir William ayaa markii ay booqdeen Westway Sports Centre oo ah halka ay ku suganyihiin dadkii ka badbaaday dabka waxaa ay la kulmeen dadkii degenaa halka ay musiibadu ka dhacday, wakiila ka socda bulshada iyo dad mutadawiciin ah oo halkaasi ka shaqeynayay.

Waxaana ay intaa ku dartay in manta ay tahay maalinta loo dabaal dego dhaqanka, balse ay doorbiday inay muragada la qeybsato dadkii ay waxyeelada soo gaadhay.

Booqashada boqoaradda ayaa ku soo aaday saacado un kaddib markii Boqolaal qof oo ka cadhaysan jawaabta dawladdu ka bixisay gurigii gubtay ee ku yaalay London ay dhigeen dibad bax, waxaanay socod ku tageen xafiiska ra’isal wasaare, Theresa May, iyagoo dalbanaya in ay is casisho.

Dadka isku soo baxay oo la maqlayey iyagoo ku dhawaaqaya “ha loo caddaalad falo Grenfell” iyo “may ha tagto” ayaa boolisku hakiyeen intii aanay gaadhin xarunta BBC-da oo ku taal badhtamaha London, markii la joojiyeyna waxay halkaa ku aamuseen qaddar daqiiqad ah oo ay ku xusayeen dadkii ku dhintay gurigii gubtay.

Ra’iisal wasaare Theresa May ayaa sheegtay lacag dhan lix milyan oo Dollar loo qondeeyay dadkii ku waxyeeloobay dabka si ay u siistaan cunto, dhar iyo agab kaleba.

Tirada dadka ku dhintay dabkaas ee la xaqiijiyey ayaa gaadhay soddon qof, waxaana weli la la’yahay tobanaan kale.

Theresa May arrimaha kale ee lagu dhaliilay waxaa ka mid ah in aanay si dhakhso ah u booqan dadkii ka badbaaday dabka, oo aanay yeelin sidii ay yeeleen hogaamiyaha xisbiga Labour-ka Jeremy Corbyn iyo duqa London Sadiq Khan.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso