Daawo: Laba boqol iyo Lixdan Ardey Dufcadii 21aad ah Oo Ka Qalinjabisay Kuliyada Tababarada Macalimiinta Dr C/majiid iyo Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Oo Ka soo qayb galay

Daawo: Laba boqol iyo Lixdan Ardey Dufcadii 21aad ah Oo Ka Qalinjabisay Kuliyada Tababarada Macalimiinta Dr C/majiid iyo Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Oo Ka soo qayb galay

 

Sabti 17ka June 2017. Waxaa maanta hoolka shirarka ee sayid maxamed cabdule xasan ku qalinjabiyay dufcadii 21aad ee kuliyada tababarada macalimiinta dr cabdimajiid xuseen oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka Xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax, qaar kamid ah golaha wasiirada, wasiir kuxigeenada, ardayda kuliyada, Kooxaha Fanka ee deegaanka, waalidiinta iyo marti sharaf kale.

Hadaba munaasabadan ayaa waxaa furitaankeedii ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn u hambalyeeyay macalimiinta ka qalin jabiyay kuliyada tababarada macalimiinta dr cabdimajiid islamarkaana usheegay inay macalimiintu yihiin lafdhabarta horumarka uu deegaanka iyo dalkuba hiigsanayo, Wuxuuna madaxwaynuhu intaa ku daray in ardaydan looga baahan yahay inay sii xoojiyaan isbadalka horumarineed ee ka hanaqaaday deegaanka, Isagoo madaxwaynuhu kula dardaarmay inay macalimiintu iska ilaaliyaan waxyaabaha dibu dhaca ku keenaya horumarka sida qabyaalada, Eexda nin jeclaysa, Musuqa IWM. Wuxuuna madaxwaynuhu kuliyada ku amaanay manhajka cusub ee af soomaaliga laga dhigay horayna u ahaan jiray manhaj ku baxa English.

Dhanka kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSi mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay inuu deegaanku kor uqaadayo waxbarashada deegaanka islamarkaana hada kadib lagu dadaalayo sidii loo soo saari lahaa macaliimn tayo leh si loo helo arday tayo leh. Wuxuuna wasiirku intaa ku daray inuu aad oogu faraxsanyahay dufcadan 21aad ee ka qalinjabisay kuliyada tababarada macalimiinta dr cabdimajiid xuseen, Isagoo wasiirku ku booriyay inay kasoo baxaan shaqadooda macalinimo islamarkaana soo saaraan arday tayo leh.

Sidoo kale waxaa isana munaasabadan ka hadlay maareeyaha kuliyada tababarada macalimiinta ee dr cabdimajiid xuseen mudane Kifaax Cabdulaahi Macalin oo sheegay inay maanta qalinjabinayaan dufcadan 21aad oo tiradoodu dhantahay 268 macalimiin ah oo isugu jira wiilal iyo gabdhaba islamarkaana bartay 9 waaxood oo kala duwan oo ah heerka Diplomaga, Wuxuuna maareeyuhu intaa ku daray in kuliyada badashay manhajkii hore oo lagu dhigan jiray English loona badalay soomaali. Wuxuuna maareeyuhu kula dardaarmay macalimiinta inay kasoo dhalaalaan kaalintooda macalinimo.

Ugu danbayna waxaa macalimiintii kaalinta 1aad galay abaalmarino kaladuwan gudoon siiyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar. Dhankooda waxaa iyana dareenkooda ka hadlay macalimiintii qalinjabinaysay oo sheeay inay maanta aad oogu farasan yihiin qalinjabintan islamarkaana ay sidii loogu talagalay oogasoo bixi doonaan shaqadii macalinimo ee loo idmaday.

Advertisement

Ku Xayeysiiso