Sheekh Shacraawi: Mufasir mar la arag ah.

 

Waxa gacantayda soo galay kitaabka Tafsiirka ah ee Khawaadir Imaaniya oo duruustiisi dhigista ahayd dhigaal loogo rogay. Kitaabkaa oo labaatan hormo ah, kolkii aan kala furay cutubkii kowaad ayaa waxa aan arkay sooyaalkii nololeed ee imaamka, taa ayaa igu kalliftay in aan qalinka u qaato in qoraalkii ku duugnaa aan idinla wadaago.

Sheekh Maxamed Mutawalla Shacraawi waa mid ka mid ah aqoonyahankii ugu tunka weynaa diinta qarnigii tegay. Waxa uu ahaa mufasir casharradiisu aad u caan baxeen, qoraa qalinkiisa la ammaanay, doodyahan diinlawayaasha geed ku xidha, isla jeerkaana Quraan-ruug sharraxa iyo tafsiirka bogaadin badan ku helay.

Waxa uu ku dhashay 15/4/1911 tuulada Daaqudus oo ah xarunta Dahqaliyada oo ah qoys nasab ahaan gala imaam Cali Sayd bin Caabidiin bin Xusayn, Ilaahay raalli ha ka ahaade.

Yaraantiisii waxa uu  xifdiyey Quraanka Kariimka ah, waxa uu galay dugsigii hoose ee Saqaasiq, waxa la sheega in uu yaraantiisi suugaanta ku wanaagsanaa, oo uu gabayada xifdiyi jiray. Kolkii uu waynaaday ee uu waxbarashada dhiganayey, isaga ayaa hormood u ahaa dugsigooda isaga oo baranayey suugaanta. Raggii ay dugsi wadaagga ahaayeen waxa ka mid ah Khaalid Maxamed Khaalid, Axmed Haykal, Xasan Jaad iyo dar kale.

Mac-hadkii Badnada ayuu shahaadadiisi kowaad ka qaatay sannadkii 1940, waxa uu macallin ka noqday mac-had diinta lagu baran jiray oo ku yaalay tuuladii uu ku dhashay ee Saqaasiq, ka dib mac-had ku yaal Iskandariya ayuu u wareegay. Muddo ka dib waxa uu u wareegay boqortooyada Sucuudiga isaga oo jaamacaddii Umul Qura macallin ka noqday maaddada caqiidada.

Sannadkii 1963-kii ayey isku dhaceen Jamaal Cabdinaasir iyo boqorkii Sucuudigu, Jamaal Sheekh Shacraawi waxa uu ka joojiyey in uu ku noqdo Sucuudiga, sidaa awgeed madaxii jaamacadda Azhar sheekh Xasan Ma’muun ayaa u diray dalka Jasaa’ir si uu halkaa uga soo aasaaso farac kale. Muddo toddobo sannadood ah baa la sheega in u halkaa joogay. Sannadkii 1976 ayuu Mamduux Saalim, oo raysalwasaare ka ahaa Masar, Sheekh Shacraawi ka dhigtay Wasiirka Wasaaradda Diinta, oo uu hayey ilaa 1978.

Mufasir Maxamed Mutawalla Shacraawi waxa uu ka tagay raad weyn oo aqoon ah. Wax lagu faano waxa u mudan kitaabkiisa tafsiirka, iyo in uu ahaa Quraan-ruug aayadaha si durugsan u qeexa, waana sababta kitaabkiisu labaatan mujalladood uu u noqday.

Sheekh Shacraawi ma uu dhammayn dhigista tafsiirka, waxa uu ku geeriyooday isaga oo dhammaadka suuradda Mumtaxin wada, jis camma kal hore ayuu duubay, sidaa ajligeed jis qasamic iyo jis tabaarik ayey ardaydiisu tafsiirkan dhigaalka ah ku dareen oo aan ahayn tafsiirkii Sheekh Shacraawi.

Kutubtiisa iyo maqaaloyinkiisa waxa u mudan bisinka iyo siraha ku jira. Islaamka iyo fikirka casriga ah, Islaamka iyo gabadha; caqiido iyo manhaj, Fatwooyinkiisa, Haweenayda iyo sida uu Alle SWT ka doonayo. Mucjisooyinka Quraanka, Qadaha iyo qaddarka, iyo dhiganayaal aynaan halkan ku soo wada koobi karayn.

Caalin kasta qoraalladiisu waxa ay la duruuf yihiin marxaladda uu ku jiro, kolkaa qoraal wal oo uu leeyahay dhankaa uu isleeyahay way yar iilatay ayuu xoogga saara ka hadalkeeda, kitaabkiisa Tafsiirku waxa uu xoogga saaraya raddinta shubhooyinka diinlawayaasha, oo Masar cudud ku leh wakhtigan.

Jaamacadda Maqaasid ee Lubnaan sheekh Bihaa’a diin Salaam waxa uu ku qaatay shahaadada labaad ‘Master’ in uu ka qoray ‘Macnuunatu bitajdiid Fikril Islaami fi Khawaadir Maxamed Mutawalla Shacraawi’. Dr Hashaam Nashaaba, Dr Yuusuf Marcashali iyo Dr Axmed Laddan ayaa iyaguna saddex risaalo ka sameeyey.

Jaamacadda Azhar ayaa shahaadada lagu maamuso dadka muddada ku soo jira faafinta dacwadda ku maamustay Shacraawi ka hor intii aan wasiirka laga dhigin. Xukumaddihii Masarna laba jeer ayey ku maamuseen shahaadada muwaaddinka maqaamka sare gaadha, isaga oo lagu majeertay faafinta dacwadda.

Iskuxidhka caalamiga ah ee fadhigeedu yahay Maka ayaa iyaduna ku maamuustay Maxamed Muwatalla Shacraawi shirkii icjaaska Quraanka shahaado sharaf.

16/7/1998 ayuu geeriyooday Maxamed Mutawalla Shacraawi, Ilaahay ha janneeyo oo qabriga ha u waasiciyo cilmigii uu ka tagayna mid u waara haka yeele.

Dr Yuusuf Mustafa Qaradaawi oo ka hadlay shakhsiyaddii imaamka waxa uu yidhi, “Sheekh Shacraawi waxa uu ahaa mid ka mid ah mufasiriintii Quraanka Kariimka, kuwaa oo raadkoodu jiri doono, diinta ay u adeegeen darteed.”

Intii aan ka akhriyey kitaabkiisan wali ma arag kitaab tafsiir ah oo sidaa u kala dhigdhigaya fasirka aayadaha, sida uu ugu xeeldheeranayo ugu xeeldheer, luuqad ahaan shareeco ahaan. Fahannadii laga bixiyey iyo fahankiisa ayuu isku lammaaneeyay.

Waxa aan daawaan jiray tafsiirkiisa, nin kitaab yar iska soo qaata oo aanad ka jeedsanayn marna ayuu ahaa. Ilaahay godka ha u janneeyo oo dambigiisa ha dhaafo, raadku ku tagayna mid waara ha uga yeelo.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso