GOOLAHA DEEGAANKA HARGAYSI WAA GEEL-KIIS SHAQADII MAYARKUNA WAA MID DAYACAN

Dhamaan wadooyinka magaalada caasimada ah ee hargaysi waa kuwo xidhan oo noqday goobo dukaamo ah laguna ganacsado ama laga raro basaska u kala goosha magaalada gudaheeda.
Aan kuu tiriyo wadooyinka xidhan

1- wadada ka soo baxada majid jaamac weyn iyo fooqa ilma buubaa hormarta sariibada, bacadlaha kuna dhamaata saldhiga dhexe ama istaanka basaska jigjiga yar.

2- wadada u dhaxaysa fooqa bootaan iyo hudheeka tayuub koonfurna uga baxda dooxa waqooyina gaadha ilaa Ex xerro qaada.

3-wadada ay xidhayn basasaka xero awr ee fooqa Bis.

Sidoo kale iyana waxa xidhan dhamaan wadooyinka dhexmara suuqa weyn ee WAAHEEN kuwaasi oo dhamaantood mihiim u ah magaalada hargaysa iyo isu socodka gaadiidka, dadka iyo ganacsiga.

Taasina waxa ay muujinaysaa sida aanay u shaqayn maamulka dawlada hoose ee hargaysa gabi aahanba ay meesha ka maqantahay shaqadii caasimada ee loo igmaday.

Waxa iyana jira oo qayb weyn ka ah cidhiidhiga wadooyinka hargaysa hab socodka gaadiidka dadweynaha khaasatan basaska oo meel kasta istaaga manalaha caasimada hargaysi
(Bas station) meelo u gaara oo cayiman dadku ka raacaan gaadiidka ama kaga degaan.

Waxa iyana dayacmay oo gabi ahaanba meesha ka baxay (traffic lights ?) ama inshaarooyinkii oo dhamaantood u fadhiistay dayac tir la,aan maayarka magaalada hargaysa Abdirahman Mohamoud Aideed (soltelco) waxa uu ku mashquulay siyaasada xisbiga Kulmiye taasi oo aan ahayn wixii loo doortay
MAAYAR CAASIMADEED MA GALI KARO OLOLE XISBI.

Hadii aad eegto dhamaan goolaha deegaanka hargaysa waxa aan odhan karnaa waa (GEEL KIIS) la soo ururshay oo habayaraatee  aan kula xisaabtamin maayar CABDIRAXMAAN SOLTELCO shaqadii ay qaranka u hayeen iyo dantii caasimada hargaysa,
mana muuqato shaqadii iyo wadajirkii goolaha deegaanka hargaysa halkaasi waa barta lagu jabay marka aad qiimayso shaqo xumada goolaha deegaanka hargaysa iyo habacsanaanta maayarka magaalada oo ka muuqda fagaarayaasha siyaasada waxaad odhankarnaa wey u qalantaa hargaysi in ay noqoto caasimadii kudaafadaiyo waddo xumida.

Xooghayaha duulista hawada iyo gaadiidka cirka ee xisbiga waddani
Nuuradiin Ibraahin Aw Abdi Diini Tell 063-4421963

Advertisement

Ku Xayeysiiso