Wardegdeg ah : Qarax Wayn oo Ka dhacay Pizza House Ee magaalada Muqdisho iyo Dablay Gudaha u gashay oo Dad ku haysta Gudaha Maqaayada.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa dad fara badan oo isugu jiray Soomaali iyo ajaaniib ka soo badbaadiyey Maqaayada Pizza House iyo hotelka Posh ee magaalada Muqdisho oo caawa lagu qaaday weerar isugu jiray qarax ismiidaamin ah iyo mid toos ah.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa lagu qarxiyey afaafka hore ee maqaayada iyo hotelka oo iska soo horjeeda kuwaasoo ku yaalla agagaarka isgoyska Banaadir, waxayna wararku sheegayaan qaraxan uu burbur xoogan u geystay labada dhisme.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ee gaaray goobtaas ayaa waxaa ka muuqday jahwareer xooggan, waxaana la kala garan waayey labada xarumood goobta ay galeen dableyda hubeysan inkastoo saacado ka dib goor dhow la xaqiijiyey iney ku jiraan maqaayada Pizza House.

Hotelka Posh ayey ciidamadu ka soo saareen goor dhoweyd dad fara badan oo halkaas ku go’doonsanaa muddo saacado ah kuwaasoo isugu jiray Soomaali iyo ajaaniib ka tirsanaa shaqaalaha hotelkaas, waxaana goobtaas ka jirta xaalad hubaal la’aan ah.

Dad ku go’doonsanaa maqaayada Pizza House ee ay ku jiraan dableyda ka tirsan Al-Shabaab ayaa qaarkood derbiyada ka soo booday, si ay naftooda u badbaadiyaan, waxayna sheegeen in meydadka dad badan oo la toogtay ay daadsan yihiin gudaha Maqaayada Pizza House, waxaana ka muuqday dadkan argagax weyn.

Ciidamada amaanka ayaa isku dayaya iney soo afjaraan weerarkan oo aan la ogeyn inta saacadood ee uu qaadan doono, rasaas goos goos ah ayaana laga maqlayaa gudaha Pizza House.

Ugu yaraan 6 ruux ayaa inta la laga warqabo ku dhimatay weerarkan oo muddo saacado ah socda halka toban kale ay ku dhaawacmeen waxaana laga cabsi qabaa in khasaaruihu intaas ka bato.

Dadka dhintay waxaa ku jira sida wararku sheegayaan nin u dhashay dalka Siiriya, kaasoo la sheegay inuu ka mid ahaa Shaqaalaha hotelka Posh, waxaana sidoo kale jira Shaqaale Itoobiyaan u badan oo ay waxyeelo soo gaartay, maadaama ay tahay xili habeen ahna waxaa adag in la ogaado xogta rasmiga ah.

Qaraxyo iyo rasaas culus ayaa laga maqlayaa caawa xiligan oo ay tahay abaare 12:15 saq-dhexe ee habeenimol nawaaxiga Maqaayada Pizza House oo ay weli ku jiraan kana dagaalamayaan dableyda ka tirsan Al-Shabaab ee caawa fiidkii gudaha u gashay, welina xaaladu waa mid jahwareersan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso