Muxuu salka ku hayaa khilafka soo kala dhex galay dalalka Qadar iyo wadamadii ay kawada tirsanayeen Jamacada Carabta (W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi)

Dalka qadar waxaa uu ku yaala qarada Asia gaar ahaan jasiirada carabta, waxaa lagu qiyaasa tirade dadkisa qiyaasti la helay 2017 oo ah 2,334,575 taas oo ka dhigaysa wadanka 144 ee ugu dadka badan addunka,badka dhul ahaaneed ee dalka Qadar waa 11,608 Km2 (4,482 sq. miles) isugaynta guud ee wax soo sarka dalkas ee sanadkii waa (GDP) $166.9 billion, dakhliga cala qof soo gala sanadkii (GDP per capita)  $105,829 tass oo ka dhigaysa mid ka mida wadamada addunka uugu nolosha wanaagsan .

Dalka qadar oo ka mid ahaa jiray wadamadii ugu fakhrisana dhanka wadmada carabta, balse manta waa mid ka mida wadmada ugu qanisan caalamka iyo midawga carabta sababtoo ah wax soosarka dhinaca saliida oo uu u iibgeyo wadamada jaarka iyo kuwa caalamiga ah, halkaas oo uga soo xaroodo dakhli aad u baladhan oo ka dhigaysa dalka Qadar inuu ka mid noqdo wadamada ugu nolosha wanaagsan wadamada Carbeed iyo kuwa gobolka ku yala

6 wadan oo ka mida wadmada ay ka wada tirsan yihiin jmacada carabta iyo khaliiijka oo kala ah Saudi Arabia, UAE, Egypt, Bahrain Yemen iyo Libya ayaa dhamantood xidhiidhki diplomacyded u jaray wadanka Qadar marki ay ku edeyeen in ay taagerto kooxaha xagjirka ah ee islamistiga loo yaqano sida Isis iyo Xamaas sidoo kalena cabasho ka mujiyey in warbaahinta laga leyahay wadanka Qadar ee Al-jeziira ay inbadan u gaysatay dacayado ka dhan ah madaxda wadamada 6 ah. Iyagoo gabi ahaanba ay xidheen wadamada ay la wadaagto Qadar xudud sida dawalada sucudiga oo iyadu ku dhaqaraaqday inay xidhay dhamaan marinadii kala dhexeyey dawlada qadar sida bada , circa iyo dhulka.

Wadamadii kale ayaa dhamantood  iyaguna uga yedheen dalka Qadar diplomasiyiinti ka joogay dalka Qadar taa badalkedana uga yedhay diplomacyinti 6 wadan ahaa eek u sugna wadanka

Balse dawalada Qadar ayaa dhankeeda diiday oo ku tilmaantay carqaladayn la donayo in dalkeeda lagu sameyo taas oo ay tidhi waxaa hawshan dabada ka riixaya wadmo gobolka ku yaal oo uga faa,idaysanaya dano siyaasaded doonayana afgami siyaasaded oo dana gara wata.

Hadaba khilaafkan ugubka ah ee soo kala dhex galay wadmada jamacada carabta wuxuu sababi kartaa kala furfurnaansho baladhan oo ku yimaada qaar ka mida wadmadii ugu awooda iyo saamaynta badnaa wadamada jamacada carabta, horseedana in ay hoos u dhacdo midwgii iyo isgaanshaburaysigii ka dhexeyey wadamada jamacada carabta,kuwaas oo gabi ahaanba xidhiidh sokeye la leh wadanka maraykankaoo ay yihiin saaxib dhaw lana nawilayo talabada uu qado

Saamaynta Qadar ku yelan karto xidhidhka diplomaciyded ee loo jaray

1 Hadaba samaynta ay dalka Qadar ku yelan karto xidhiidhkan loo jaray waxaa ka mida hoos u dhac ku yimaada dhanka dulimadyada diyaarada Qadar Airways oo dulimaadyo ku tagi jirty 6 wadan ee xidhka u jaray qaar ka mida .

2  Dhinaca cuntada oo ay dawalada Qadar ka soo iibsan jirty wadanka Sucuudiga iyadoo hada ay qasab ku tahay inay donato suuq kale oo ay ka soo iibsato raashinka.

3 Hakada ku yimaado dhismayaasha garoomada kubada cagata iyo huteelo waawayn  ee hada la gawado dhismayashooda dalka Qadar maadama ay marti galinayso kobka addunka sanada 2022 taas oo qalabka lagu dhisayo sida garaaidka iyo sibidka looga keeni jiray dalka Sucuudga.

4 Diyaaradaha dalka qadar waxay ku tagi jireen wadamada yurub mudo 6 sacadood ah balse hada waxay ku tagi donaan mudo 8 ilaa 9 sacadood ah sababtoo ah madama loo diday hawada wadamada xidhiidhka u jaray sida dawlada Masar oo iyadu ku dhwaqday inany dul mari Karin hawadeda diyaaradaha sita calanka dalka Qadar

5 Muwadinintii reer Qadar ee joogay wadmada 6 ahaa ee ka shaqaynayay ay ka baxaan wadamada wakhtiga loo qabty iyado iyana taa badalleda ay saari doonto shaqaale badan oo oo ka qayb qadanayay dhismayasha  garoomada wawayn ee qadar ka socda taa badalkeda ay hakad gali donan s hawlihii socday
W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi ( Xoogsade)

(MBA) Accounting and Finance, Mount Kenya University

Samiir.net@gmail.com   00252-634241542

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso