Gudaha Ka Eeg :Xog-Hayaha Xisbiga WADDANI Ee Arrimaha Carabta Iyo Dalalka Islaamka Amb Axmed Safiina Oo Hargaysa Lagu Soo Dhaweeyay + Sawiro

Qaar ka mid ah saraakiisha ugu sar-sareysa Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa maanta si ballaadhan dalka ugu soo dhaweeyey xoghayaha xisbigaasi ee arrimaha carabta iyo dalalka Islaamka Ambassador Axmed Aadan Dagaal(Axmed Safiina) oo muddooyinkii dambe socdaal shaqo ugu maqnaa dalka dibaddiisa, gaar ahaan wadamada Carabta.

Soo dhaweyntan loo sameeyey Ambassador Axmed Safina oo ay ka qeyb-qaateen xoghayaha cadaaladda Xisbiga WADDANI Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, xoghayaha duulista iyo hawada Xisbigaasi Nuuradiin Diini, guddoomiyaha garabka dhallinyarada WADDANI Md.Maxamed Siddiiq Cabdillaahi Dhamme iyo weli ba aqoonyahan Cabdiqaadir Iidle, ayaa dhammaantood ba ku qaabilay gacmo furan iyaga oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay maanta dalka ku soo dhaweeyeen Ambassador Safina, waxaana ay tilmaameen in Safiina uu ka mid yahay rukunada ugu waaweyn ee uu ku dhisan yahay Xisbiga WADDANI.

Ambassador Axmed Aadan Dagaal(Axmed Safina) oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad uga mahadcelinaayo qaabka soo dhaweyneed ee looggu qaabilay Madaarka Hargeysa, waxaana uu tilmaamay in safar dheer oo uu ugu maqnaa wadamada Carabta uu kulamo kula soo yeeshay madaxda dalalkaasi iyo weli ba sida oo kale dad daneeyeyaal ah oo doonaya in ay maal-gashadaan Somaliland isaga oo xusay in guud ahaan kulamadii uu soo sameeyey uu si aada xoogga u saaray soo bandhigidda qadiyadda iyo madax-banaanida Somaliland isla mar ahaantaana uu gebi ahaan ba kala hadlay madaxda iyo shirkadahii kala duwanaa ee uu la soo kulmay.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso