Axkaamta Ramadaanta Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub Qaybtii 12aad Dad-la-dhaqanka marka aad tahay qof sooman

Axkaamta Ramadaanta

 

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 12aad

 

Dad-la-dhaqanka marka aad tahay qof sooman

 

Boqor ka mid ahaa boqoradii ka talin jiray jasiiradda Carbeed ayaa soo diray nin ergay si uu uga soo xog bixiyo Nabigan la sheegayo in uu soo baxay. Dabadeed ninkii la soo diray ayaa markuu ku noqday kii soo diray ka jawaab celiyey wixii uu soo arkay, wuxuuna yidhi, “Hoggaamiye kasta ciidankiisu way kohdaan se ninkaa ‘Nabiga’ asxaabtiisu aad bay u jecel yihiin, iska daa wax kale candhuuftiisu inay dhulka ku dhacdo uma ogola.”

 

Sida oo kale raggu Rasuulku CSW soo saaray, dhaqankaa mid la mid ah bay la hayeen, Cumer ina Khaddaab xilligu talada Muslimiinta hayey waxa dhacday in sida oo kale boqor uu soo diray ergay xaggiisa ka socday si uu Cumar farriintiisa ugu gudbiyo. Ergaygii boqorka ayaa magaaladii Madiina soo gaadhay, wuxuu islahaa xarun madaxtooyo ayaad ka heli ninka ummadda Muslimiinta u taliya, e wuxuu magaaladii ka waayey guri ka duwan kuwii magaalada ku yaallay, markaas ayuu bilaabay in uu dadka waydiiyo Cumar halka uu joogo, qof kastaa wuxu ku yidhaa, “Mar dhawayd halkan buu joogee meelaha ka eeg,” ilaa nin u su’aallay ku yidhi wakaa geedkaa hoos jiifa. Ninkii markuu arkay Cumer oo geed iska hoos jiifa ayuu yidhi ereyo dhaxal gal noqday, “Caddaalad baad ku xukuntay, markaasad nabad heshay, dabadeed iska seexatay.” Waa ta ay maanta garan la’yihiin madaxda Muslimiintu ee kharashka ku baxa ilaalintoodu ummadahooga wax tari lahayeen.

 

Dad la dhaqanka wanaagsan waxa ka mid ah qofka ku shaqaynaya in aad dareensiiso in aad ixtiraam u hayso, hadalada qalafsanna aad ka ilaaliso, sida oo kale qudhaadu ogsonaato in dani ku ag keentay oo laysku kiin imtaxaamayo, sidaa darteed aanad kula dhaqmin wax anshax xumo ah. Rasuulku CSW isaga oo hormood keeni ahaa ayaa habdhaqanadiisi sarreeyey waxa ka mid ahaa sida Anas ina Maalik Rc ka sugan inu yidhi, “Toban sannadood baan u shaqaynayey Rasuulka CSW maalin kaliya wax aan sameeyey maxaad u samaysay ima odhan, wax aan samayn waayeyna maxaad u samayn wayday ima odhan.” Inta u badan dadka wada shaqeeya waxa ay isku qabsadaan ee canaantu ka dhacdana waa intaa.

 

In aad dadka kula dhaqanto hab-dhaqan wanaagsani wuxu keenaya in qudhaada lagula macaamilo hab-san. Sidaa ajligeed buu Rasuulku CSW lahaa, “Dadka kula dhaqan si wanaagsan.” Dadkuu waa geed aad beerato oo kale, kolba sida aad ku tahay ayey iyaguna kugu ahaanayaan.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso