Dhalinyarada Qol-Qol Jooga Beesha Muuse Dhariyo,Waxaanu Taageero Mugleh U Diraynaa Xisbiga Kulmiye iyo Gudoomiye Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi

Waxaanu Xukumadda Kulmiye La Garab Taagnahay Taageero,  Iyadoo Aan Marna Beesha Muuse dhaariyo Lagu  Arag Wax Hagardaamo Iyo Mucaaaridnimo, Hadaba Midna aan lagu arag Beeshan ee ay tahay dawladda ku nool Sida uu sheegay wasiir xigeenkii hore ee caafimaadka Somaliland Mahdi Cisman Buuri iyo Suldaanka Guud beesha muuse dhariyo suldaan naasir suldaan cabdi suldaan ismaacil mire,  ee beeshu taagersan tahay Maamulka Wanaagga Iyo Horumarka Uu Gadhwadeenka Ka Yahay Madaxweyne Siilaanyo

Waxaanu Uga Digaynaa Kuwa Magaca Beesha Ka Been Abuuraynayaa In Magaca Beesha Ay Iska Dhigaan, Oo Ay U Badhaadheen Iyagu Danta Ay Leeyihiin, Una Hadlaan Cida Ay Yihiin, Uma Baahna Beesha Gabooye In Nin Sumad Laawi Uu Maalin Walba Wax Beena Intuu Iska Soo Qoro Uu U Qaybiyo Saxafad Aanu Ku Tilmaami Karno In Ay Noqotay Wax Aan Loo Bahanayn  Magacaasina yahay mid lagu shaqaysto oo shakhsiyaad ku shaqaystaan,

Beel Ahaana Waxaanu Halkan Ka Cadaynaynaa Hadii Aanu Nahay Dhalinyarada Qol-Qol Jooga  Beesha Muuse Dhariyo, In Aanu Tageersanayn Xukumadda Gadhwadeenka Ka Yahay Madaxwene Siilaanyo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo , isla markaan uu musharax madaxweyne  ka yahay gudoomiye Mujaahid Muuse biixi cabdi

Waxaanu Madaxa Qaranka U Rajaynayaa Horumar, Guul Iyo Aqoonsi Deg Dega Ah , Mar Labaad iyo mar saddexaadba Waxanu Madaxweynaha iyo musharax xisbiga kulmiye Ugu Balan Qaadaynaa In Aanu Taageerada Doorashada Madaxweyne Shanta Sano Ee Danbe Ee Socda Uu Codkayga Heli Doono Insha Allaah , Oo Waxba Lagala Hadhi Doonin, Madaxweynaha Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Waxaanu U Rajaynaynaa Gobnimo Iyo Guul

 

Wa Bilaahi Tawfiiq;

Qalinkii Garyaqaan Muhiyadiin Mohamed abdi

Hargeisa/Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso