Daawo: Dawlada Masar Oo Maanta Ku eekayay in Ay Xanibaad Saari Doonto Qatar Air ways iyo Dalal kale Oo Khaliijka ah oo La mid ah

Dawladda Masar ayaa sheegtay in ay diyaaradaha Qadar ka xiranayso hawadeeda iyadoo uu sii korayo muranka dublamaasiyadeed, waxaana la filayaaa in Sacuudi Carabiya iyo Baxraynna ay sidaas oo kale sameeyaan Talaadada.

Dalal badan ayaa xiriirkii u jaray Qadar, iyaga oo ku eedeeyay in ay taageerto argagixisada gacanka ka jirta.

Muwaadiniinta Qadar ee ku nool Baxrayn, Sacuudi Carabiya iyo isutagga Imaaraadka Carabta ayaa loo qabtay labo todobaad in ay dalkooda ku aadaan.

Qadar ayaa diiday in ay taageerto malayshiyaadka, wasiirkeeda arrimaha dibadduna wuxuu ku baaqay in la qabto wadahadal aan waxba laka qarsanaynin oo daacadnimo ku dheehan tahay.

Masar ayaa sheegtay in ay hawadeeda ka xiranayso Qadar Talaadada marka ay saacaddu ku beegantahay 7 subaxnimo ee wakhtiga Bariga Afrika ama 04:00 GMT ayna socon doonto ilaa iyo inta amar dambe laga soo saarayo.

Lahaanshaha sawirka FLIGHTRADAR24
Image caption Websiteka FlightRadar24 oo tiknoolajiyad adeegsanaya ayaa muujiyay in ay marinno koobaan adeegsanayaan duuliyeyaasha diyaaradaha Qatar Airways ee safarka galay subaxnimadii Talaadadan

Waxaa la filayaa in khalkhal uu ku yimaaddo garoommada magaaalada Dooxa ee caasimadda u ah dalka Qadar maadaama oo ay sii maraan duulimaadyo badan oo u kala socda daafaha caalamka.

Shirkadaha Diyaaradaha ee ay saamaynayso waxaa ka mid noqon doona Qatar Airways, Etihad Airways iyo Emirates.

Haddii diyaaradaha Qadar ay ka weecdaan hawada baaxadda wayn ee dalalka ay dariska yihiin waxay markaas ku qasbanaan doonaan in duulimaadyadu ay qaataan wakhtiyo intii hore ka badan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Qadar Sheekh Maxammed Bin Cabduraxmaan Al Thani ayaa warbaahinta Al Jazeera u sheegay “in diyaaradahoodu ay wali awoodi doonaan in dunida u socdaalaan iyaga oo adeegsanaya baddaha iyo hawooyinka caalamiga ah”.

BBC

Advertisement

Ku Xayeysiiso