Gudaha Ka Eeg :Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeer Ku Tagey Xarunta iyo Akademiyada Booliiska + Sawiro

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada JFS Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ku tagey Xarunta Booliiska iyo Akademiyada Jeneral Kaahiye ee Muqdisho si uu ugu kuurgalo xaalada Booliiska ay ku howlgalaan iyo inuu dardargeliyo dadaalka ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Ugu horeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa Salaan sharaf ku qaatay Xarunta Booliiska Soomaaliyeed halkaas oo uu xafiisyada kormeeray si uu ugu kuurgalo howlaha shaqo ee booliiska. Qeybaha uu booqday waxaa ka mid ahaa qeybta CCTV, qeybta InterPol, iyo qeybaha kale ee Booliiska.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqday Akademyiada Booliiska Somalia ¬†ee Jeneraal Kaahiye oo uu halkaas kula hadlay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kuna dhiirigeliyey howlaha muhiimka ah oo ay bulshada u hayaan. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booliiska ku ammaanay doorkii saliimka ahaa oo ay amniga u sugeen xilligii Imtixaanada Dugsiyada Sare ay socdaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ugu danbeyntii Boolliska kula dardaarmay inay shacabka u adeegaan oo lagu qiimeyn doono sida ay hadba bulshada ula dhaqmaan.

Ra’iiusul Wasaare Khayre ayaa sheegay in loo baahanyahay in shacabka ay u soo cararaan booliiska oo ay kalsooni ku qabaan. Waxuuna ka codsaday booliiska inay qiimeeyaan heerka kalsoonida shacabka ka dibna ay la yimaadaan tallaabo kasta oo ay ku kasban karaan kalsoonida shacabka.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso