Gudaha Ka Eeg :Dalka China Oo Ka Digay Talaabo Uu Maraykanku Qaaday .

Dalka shiinuhu waxa uu si weyn uga digay arinta ku saabsan gantaalaha isu dhiga gantaalaha kale, waxana ay arintani ku soo beegantay iyadoo Millateriga maraykanku ay Tijaabiyeen Gantaal kuwa difaaca ah oo isu dhigaya Gantaalaha cadowga, looguna talogalay inay shacabka Maraykanka kaga nabadgeliyaan gantaalo ay suurogal tahay inay Waqooyiga Kuuriya ku soo ridaan dalweynaha Maraykanka.

Hua Chun oo ah afhayeen u hadashay Wasaaradda Arimaha Dibada ee Dalka shiinaha waxay sheegtay inay shiinuhu rajaynayaan in dhamaan dhinacyadu ka taxadaraan tijaabinta gantaalaha ka hortaga gantaalaha kale si looga fogaado wax kasta oo waxyeelo ku ah amniga guud ee caalamka.

Maalintii Shalay ee salaasada ayaa ciidamada Maraykanku waxay soo rideen oo dhulka soo dhigeen gantaal kuwa balaastikada ah oo tijaabo ahaan looga soo  riday badhtamaha badweynta hindiya, ka dib markii ay ka horgeeyeen gantaalkaasi difaaca.

Admiral Jim Sering oo ka tirsan wakaalad difaaca ee dalka maraykanka ayaa ku tilmaamay gantaalka isu dhiga gantaalaha kale mid anfac balaadhan u leh Dalkiisa, ahna gantaal difaac oo lagu kalsoonaan karo, kaasoo diyaar u ah inuu ka hortago khatar kasta oo hadidaad ku haysa Wadanka maraykanka, sida uu Admiral-ku hadalkiisa u dhigay.

Xukuumada Kuuriyada waqooyi ayaa mudadii bilaha ahaa ee u dambeeyey waxay samaysay tijaabooyin xidhiidh ah oo gantaalaha Balaastikada ah, kuwaas oo qaarkood gaadhayaan boqolaal Kiilomitir, waana arinta dhalisay xiisadda Jasiirad la moodka Kuuriya,

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso