Gudaha Ka Eeg :Xisbiga UCID Oo Xaflad Soo Dhawayn Magaalada Burco Ugu Sameeyay Taageerayaal Laxaad Leh Oo Ku Soo Biiray Xisbiga UCID .

Xisbiga UCID Ayaa Maanta Magaalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer xaflad balaadhan ugu sameeyay Taageerayaal laxaad leh oo ku soo biiray Xisbiga UCID .

Taageerayaasha oo ka soo jeeda mid ka mid ururada bulshada ee ugu wayn Gobolkaasi oo la yidhaa Cod iyo Caqiibo .

Xafladdan oo ahayd mid ilyartu is qabtay isla markaana ay soo buux-dhaafiyeen taageerayaal tiro-badan .

Ugu horayn waxaa xafladaasi ka hadlay Xubno ku hadlayay afka taagerayaasha ku soo biiray Xisbiga UCID, Waxanay tilmaameen in Murashax Faysal Cali Waraabe aan la barbar dhigi karin Murashaxiinta kale, isla markaana ay taageero hiil iyo hooba ay la garab taaganyihiin Murashax Fasyal Cali Waraabe Iyo Xisbiga UCID .

Odayaal iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa muujiyay Taageerada ay u hayaan Xisbiga UCID, waxaanay sheegeen in Murashaxa Faysal uu ku guulaysan doonoo Doorashada .

Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu aad u soo dhawaynayo Taageerayasha Ururka Cod iyo Caqiibo, Waxaanu sheegay in Gobolka Togdheer yahay Xareedda Somalialnd .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso