Gudaha Ka Eeg :Madaxweyne Erdogan Oo Dib Ugu Noqonaya Hogaaminta Xisbiga Cadaalada Iyo Horumarinta Ee Talada Hayya .

Waxa la filayaa in madaxweynaha Turkiga, Raccep Tayyip Erdogan, maanta oo Axadda ah ku soo noqdo hogaaminta xisbiga Caddaaladda iyo Horumarinta ee talada dalka haya, xilkaas oo uu iska casilay sannadkii 2014-kii markii uu madaxtinimada dalka qabtay.

Wax ka bedelkii u dambeeyay ee dastuurka ee aftida dadweynaha lagu ansixiyey ayaa madaxweynha u fasaxaya in uu xubin ka noqon karo xisbi siyaasadeed.

Waxa magaalo madaxda Ankar iyo baraha internet-ka ee bulshadu ku xidhiidho lagu arkayey sawirrada Erdogan oo ay ku ag qoran yihiin hal ku dhegyo ay ka mid yihiin “Maamulka birta ah iyo Turki xooggan.”

Shirkan aan caadiga ahayn ee xisbiga talada haya ayaa hal ku dheggiisu yahay “Marxalad cusub: Dimuqraadiyad iyo dib u habayn.” Taas oo tilmaan u ah isku shaandhaynta xukuumadda iyo isbedelka hogaanka xisbiga ee la filayo in lagu dhawaaqo todobaadada soo socda.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadol waxa la filayaa in ku dhawaad lixdan kun oo qof oo ka kala yimid gobollada iyo degmooyinka Turkiga oo dhami u yimaadaan magaalada Akara ka qayb galka shirka oo ka dhici doona garoon weyn oo ku yaal magaalada.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso