Gudaha Ka Eeg :Deeqo La Gaadhsiiyay Degmda Shabeelle .

Guddida Talo-same, ayaa mucaawimo raashin gaadhsiisayey in ka badan boqol Qoys oo ku dhaqan deegaanka Shabeelle oo ka tirsan Gobolka Gabiley.

Raashinkan Mucaawimada oo qayb ka ah mucaawimo Gurmadka Abaaraha iyo ka soo kabashada oo guddidu beryahanba ku howlanayd, ayaa ka koobnayd cuntooyinka kala duwan ee daruuriga ah, sida Bariis, Daqiiq, Sonkor iyo Timir.

Sh. Cabdilaahi Ibraahim Yuusuf iyo Eng. Axmed Nuur Xasan oo kamida Guddida Talo-same, ayaa mucaawimadaasi ku wareejiyey Qoysaska loogu talo-galay.

Hadal kooban oo uu munaasibada wareejinta taakulada ka jeediyey Sh. Cabdilaahi, ayaa wuxuu kaga waramay xajmiga mucaawimadan iyo noocyada ay ka koobantahay.

“Maanta oo ay taarikhdu ahay 20/5/2017 (shalay) Waxay gudida talo-same raashin mucaawimo ah u qaybiyeen dadka abaaruhu saameeyeen ee dagan Shabeelle,  dadka raashinka la siiyey  tiradoodu waxay dhantahay  boqol qoys. Qoyskiiba waxaa la siiyay haaf bariisa haaf daqiiqa haaf sonkora caagad saliida iyo sedex kiiloo timira. Waa raashin ku filan qoys walba muddo bil ah.

Dadkaasi waxaanu u uduceynaynaa  dadka walaalahood ee usoo gurmaday ee gudo iyo dibadba ka qayb-qaatay gurmadka iyo samato-bixinta dadka”ayuu yidhi Sh. Cabdilaahi Ibraahim.

maaha markii ugu horaysay ee ay Guddida Talo-same oo fadhigoodu yahay Hargeysa ay mucaawimo noocan gaadhsiiyaan dadka ay abaaruhu saameeyeen ee kala soo doogay itaal-darada.

hase ahaatee horaantii bishan ayey ahayd markii ay Guddidu deeq raashin ah iyo Taakulo dadka beeraha loogu qodayo ay gaadhsiiyeen, Deegaanka Mataan oo ka tirsan gobolka Gabiley yo deegaamo kale oo hoos-yimaada Gobolada Maroodi-jeex oo ay hore uga qaybiyeen Mucaawimooyin kala duwan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso