Tacsi :Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Tacsi Diray .

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE

07 May 2017

TACSI GUDDOOMIYE

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada iyo guud shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Keenadiid Cabdikariim Jaamac  oo ku geeriyooday cusbitaal ku yaal dalka Ingiriiska xalay oo taariikhdu tahay 07 May 2017.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ku tilmaamay Marxuum Keenadiid Cabdikariim Jaamac waxa uu ka mid ahaa muwaadiniinta qurba-jooga reer Somaliland ee jeclaa horumarka dalkooda iyo wax-wada-qabsiga ummaddooda, isagoo ahaa addoon wanaagsan, waxaannu Marxuumku waqtigan ka tirsanaa xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumadda Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

 

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE

Attachments area

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso