Tacsi Madaxweyne Alle ha u naxariistee Marxuum Keenadiid Cabdikariim Jaamac

TACSI MADAXWEYNE-07/05/2017
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Keenadiid Cabdikariim Jaamac oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 07.05.2017, Waddanka Ingiriiska gaar ahaan magaalada Milton Keynes.
Madaxweynaha qaranka Somaliland waxa uu marxuumka ku sifeeyey aqoonyahan ka baxay dhamaan ummadda reer Somaliland, kuna tilmaanaa daacadnimo iyo dedaal uu marwalba la barbartaagnaa dadkiisa iyo dalkiisa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Advertisement

Ku Xayeysiiso