Buug loogu Magac daray “Midabaddii Madowga iyo Cadaanka ee Noloshayda” ( The Bright & Dark Colours Of My Life). kuna saabsan Hiddaha iyo Dhaqanka Somalidda . oo lagu soo Bandhigay Magaalada Birmingham

Munaasabad lagu soo Bandhigay Buugga. ka mid ah Buugaagta ay qoreen Qalinlayda Somaliland ayaa lagu qabtay Magaalada Birmingham ee caasimada labaad ee dalka Ingiriiska. Buugga ayaa loogu Magac-daray “Maalintii Cadeyd iyo Tii Madoobayd ee Noloshayda” , Waxa uuna inta badan uu ka hadlayaa Qaybo ka Midda Hidaha iyo Dhaqanka Bulshada Somaliland iyo kuwa Af-Somaaliga ku hadla.

Waxaa ka soo qayb-galay Qaybaha kala gedisan ee Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalkani UK . Waxa sidoo kale lagu casuumay marti sharaf ka socotay Dalalka Sweden iyo Ingiriiska.

Waxaa ka mid ahaa dadka lagu casuumay Bandhiga Buugga, Madax Sare oo ka tirsan Booliiska Gobolka Midlands Uk Sida : Wendy Bird, Detective inspector at West Midlands Police. Dr. Jamaal . Waa Dhakhtar Sudaani ah oo ku sugan Gobolka West Midlands. Mss Vanta Gabadh Afrikadda Galbeed siiba Dalka Ruwanda  asalkeedu tahay oo u ololaysa Arimaha Bulshadda. Mrs. Alison oo ka Shaqeysa Arimaha Bulshada iyo Caafimaadka  . Aqoonyahanka da.da yar ee xaga  Barnaamijyadda:-  Sawirradda farshaxanka  iyo Sawir-gacmeedkaba. aadka ugu takhasuusay Md. Axmed Magaadi . Mss Millen oo ahayd Gabadh dhalasheedu tahay Swedish oo safar dheer u soo gashay sidii ay xafladda uga qayb-geli lahayd . isla-markaana Waxay Tageertaa Qadiyadda iyo dadka Somaliland . Iyadoo sheegtay inay safar ku tagtay Somaliland , Muddo hore wadankeenii Hooyo. runtii waan ka helay ayey tidhi . iyadoo sheegtay inay u bogtay siiba Nabgelyadda buuxda JSL . iyo weliba Cimiladda amaba dhaqanka dadka Somaliland. Ma ilaawayo ayey tidhi weligay safarkaasi Somaliland. Afsomaali ku sheegtay. “Mahad-sanidin”

Weriye Cabdi-naasir Cismaan “Caynaawi ”  oo ahaa xidhiidhayaha iyo ubad-dhexaadka xafladda ayaa ugu horeyn ka hadlay . Isagoo marka hore mahad-celin Balaadhan u soo jeediyey ka qayb-galayaasha iyo Marti-sharafta kale. Waxaana ku Hambalyeey Marwo . Nimco Daahir iyo Qoyskeedda oo dhan . Dadaalka iyo Juhdiga ay geliyeen . Sidii ay u guuleysan lahayd. Dr. Nimco Daahir Ismaciil X.Adan. Hambalyo ayaan leeyahay Dhamaantiin ayuu yidhi.

Weriye Caynaawi (TV-ga Qaranka JSL.Uk) . Ayaa sheegay . in ay wax weyn tahay in uu qofka wax qoro, hadhowna dadka uu u soo bandhigo, Buugana uu yahay mid weyn oo qiimo ku leh Bulshada dhexdeeda. Waxaa uu aad ugu mahad-naqay Qoraaga Buugga oo ah Aqoonyahan da, yar Dr Nimco Daahir Ismaciil Xaaji Adan. oo uu dhalay weriyaha . Ruug-Cadaagga Saxaafadda JSL. Weriye Daahir Ismaciil Xaaji Adan (Tv-ga  Qaranka JSL. UK).

Qormooyinka soo jiidashada leh ee aad ka dhax arkeyso Buugga. Waxaa ka mida dhaqankii soo jireenka ahaa ee ay umadda Somaliland lahayd, Tusaale ahaan . Waxyaalaha dadkeenu ay caanka ku yihiin sida. Magacyo dhaqan fog ka soo jeedda oo inbadan lagu soo caano-maalay . kaasi oo dadkaasi aad ku garan-karayso markiiba si fudeyd . oo ah Pos-code -laysku garto. Tusaale ayey u soo qaadatay qoraaga Buuggu  . Sida sheekooyinka  ku jirtay buugga .mid ka midda. sida gabadh buuga ku jirtay awowgood oo Reer – Libaax la odhan-jirey ,in ay weli sitaan magacaasi hore. caana ku yihiin oo lagu garto.

Waxaa kale oo ka mida cutubyada sida weyn kuu soo jiidanaya, iyadoo qoraagu uu si weyn u lafa-guray fursadaha qaaliga ee ay haysteen caruurteenu. marka ay wadankeena joogaan . taasi oo ay soo qaadatay Marka ay ciyaarayaan oo kale.  Baaxadda dhulka ama banaanka ee haystaan. Qeybo kale oo muhiim ah oo aad ii soo jiitay ayaa waxaa kamid ahaa in caruurta wadankii ay fursadda tababarka dhinaca shaqadda ay iyagoo yaryar heli-jireen qoysaskooda ay la shaqeyn-jireen.taasi oo ka caawin-karta inay noqdaan dad u qaabeysan sida loo shaqeysan karo.

Buugga ayaa dhinaca kale ka hadlaayey Mowduuca Gudniinka: oo ka midda mowduucyada aan wax badan laga qorin, aadna mooddo inay dadku ka hadalkiisa kaba-xishoonayaan. Culimada Islaamkuna badankoodu ugama aanay hadal gudniinka sida ay uga hadleen waxyaabo badan oo ka ahmiyad yar sidda dhaqamadda cadaysiga. Waxuuna si kooban uga hadlayaa Buuggu dhibaatooyinka tooska ah ee ka dhasha gudniinka Fircooniga ah sida dhaqankaasi u xun-yahay ama sidii loo suulin-lahaa . isla-markaana loo baahan-yahay in dumarkeenu ay kaalin muhiim ah ka qaadan karaan kobcinta iyo wacyi-gelinta umadooda .

Iyadoo oo Qoraaga Buugga uga mahad celiyay qorista Buugga . Seygeeda. Eng. Cismaan Ibrahim “Sanqadh-Yare” iyo Qoyska ay ka soo jeeddo Sida . Abaheed Weriyaha Caanka ah. Md. Daahir Ismaciil Xaaji Adan iyo Hooyadeed Marwo. Luul Cabdilaahi “Jabaan”  oo ay sheegtay inaanu la.aantood . wax badan Buugga ku saabsan aanu suurta-gal noqdeen, dadka madasha joogay ayaa ku tilmaamay Buugga. in uu kamid yahay. kuwii ugu wanaagsanaa ee sanadahan la qoro.

Buug-gan ay qortay Dr. Nimco Daahir oo ka mid ah gabdhaha Dhalinyarada ah ee wax ku qora afka Ingiriisiga ayaa buug-geeda diirad-da ku saartay arimo badan oo dhinaca dhaqankeena suuban ku saabsan.

Waxaanay ii sheegay in : Ujeedka aan Buug-gan u qoray waxa ay ahayd. ayey tidhi.  in aan Bulshada ku soo kordhiyo wixii aan awooddo , Runtiina wax weyn ayey ii tahay  ayey tidhi. marwo nimco .in halkan aan wada joogno dhamaanteen. si aad uga mid noqotaan Boqolaalka qof ee Buuggan nasiibka u yeeshay “ ayey tidhi marwo Nimco oo la hadashay dadkii munaasabadda ka soo qayb-galay.

Waxaan Buuggan ugu tala-galay in aan ku baraarujiyo.  kuna wacyi-geliyo dadkeena siiba Haweenka

inaan qaadano Tusaalaha Dhaqanka saxda ah ee Wanaagsan lana suuliyo waxii ku xun nolosheena .

waxaaana waajib nagu ah inaan ka tagno lana dagaalano  iyo Inaynu ka waantowno dhaqanka xun ee aynu baranay , Sida gudniinka fircooniga iyo dhibaatooyinkiisa.“ ayey mar kale tidhi Nimco oo Bulshada Somaliland ugu baaqday in ay wax akhriska xoogga saaraan. dhaqaalaha ku baxay buugga waxaa iga tageertay .aayey tidhi. Haayadda Heritage Fund. Marwo Nimco. Waxaa ay ii sheegay in tahay markii ugu horeysay ay Buug soo saarto oo ku qoran Luqadda Ingiirisiga madaama Bulshadeena halkan ku dhaqan aan ugu talo-galay ,isla markaana dhawaan soo saari doono buugan oo luqadeena afka hooyo. ku qoran haddii Alle idmo

Qeybo faro badan oo ka mida jaaliyada ku nool UK ayaa nasiib u yeeshay inay helaan oo akhriyaan Buuggan ay ku dhan yihiin, kuna urursan yihiin xogo muhiim ah iyo taariikho aan hada ka hor cidina soo bandhigin.

Sidoo kale waxaa Cayaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka dadka Somaliland caanka ku yihiin ku soo Bandhigay Kooxda haweenka Jaaliyadda S/land ee Magaaladda Birmingham . kuwaas oo soo Bandhigay in badan oo ka mid ah Cayaaraha gaarka u ah dadka Somaliland.

Ugu danbeyn;-  Madasha oo ay ka hadleen dad fara badani, waxa iyana ka mid ahaa dadkii ka hadlay  Gabay cajiiba ka jeediyey oo khuseeya Bandhig dhaqameedka . Abwaanka Caanka ah:  Mowliid Adan “Qolqol”,

Abwaanka . Waxa uu ugu baaqay shacabka . in ay qaataan ama iibsadaan Buugga.  si ay uga faa’ideystaan .

Waxaa iyana halkaasi ka hadashay :- Hooyo. Subayda Laf-canbe. waxay geba-gabadii u mahad-naqday dadkii Bandhiggaas gacanta ka gaystey iyo kuwii ka soo qayb-galayba. Mar wax laga waydiiyey dareenkeeda ku jihaysan guud ahaan bandhig dhaqameedka Buugga lagu soo bandhigay , waxa ay Hooyo. Subaydi tibaaxday “ in ay aad ugu faraxsan tahay sida Barnaamijkaas u qabsoomay”, hase yeeshee waxa ay hoosta ka xarriiqday oo ay tidhi “ Mahadnaq Balaadhan Qoraaga Buugga Nimco Daahir Seygeedda iyo Waalidkeedda oo ugu horeeyo Aabo. Weriye Daahir Ismaciil Xaaji Adan Iyo Hooyo. Luul Cabdilaahi “Jabaan” oo aanay la,aanteed u suurta-gasheen maqaamka qaaliga ee ay gaadhay . Dr. Nimco Maaha” bay tidhi hadanaay garab-joogin inantoodda inaanay guushaasi gaadheen.

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee Jaaliyadda Somaliland ee Birmingham . Sida, Xaaji Faarax Bakeyle , Dr Cumar. ayaa iyaguna ka hadlay madasha , waxayna sheegeen inay aad ugu faraxsan-yihiin . Guusha Qoraaga Buugga , ayna u hambalyeynayaan Nimco Daahir Ismaciil Xaaji Adan iyo Qoyskeedda . Gaar ahaan abaheed ama  Weriyaha Ruug-cadaaga . Daahir Ismaciil X.Adan . isla-markaana waxaa ay u mahad-naqeen dhamaan ka-soo qayb-galayaashii iyo Marti-sharaftiiba.Goobta Xafladda ka dhaceysay ay Jaaliyadda Somaliland ee Birmingham waxay ku soo bandhigeen Cunto Soomaali . Cuntaddii fudeyd qaar ka midda sida Sanbuuska iyo ugu danbeyntii cuntaddii caadiga ahayd oo kala  duwan.

Waxaa madasha ku sugnaa weriyaal iyo farsamo yaqaano ka howl-galla TVga Qaranka JSL ee Ingiriiska Sida Weriye :- Cabdi-naasir Cismaan “Caynaawi ” iyo Farsamo yaqaanka Eng. Cismaan Qays .

Munaasabad waxaa lagu soo bandhigayay qalabka Hidaha iyo dhaqanka Somaliland.. waxaa dadkii hawshan qabtay u mahad-celiyay  Abwaanka Mowliid Qol-qol. sheegayna inay ahayd sababta tixda ku keliftay.markii arkay qalabka hidaha dhaqanka ee munaasibadda lagu soo bandhigay. taasi oo dareenkiisa kicisay

Xafladaasina waxay ku dhamaatay guul iyo gobanimo. waxaana la soo geba gebayay Abaarihii 14:43Pm waxayana Munaasibaddu ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan oo farxad laga dheehanayay dadkii goobta iskugu yimi dhamaantood.

Allah Mahad leh.

Adan Yusuf Elmi

B,ham.UK

Advertisement

Ku Xayeysiiso