Ninka diiqa kugu riday Hadduu daayin kugu simo Godobta iyo daannada ma ka doonanaysaa?

Buug uu qoray nin la odhan jiray George Orwell 1943-1945 oo la odhan jiray Animal farm wuxuu xanbaarsanaa sheekooyin xikmad badan oo taabanayay nolosha xiligaa lagu jiray shuuciyadii xiligaasi waxay dadka u tarbiyaynaysay si axmaqnimo leh oo waxay maskaxa biniaadanka ku shubtay 2+2=5 waxay ku korisay in ay laba lugoodlaha(human) cadaw u yahay iyo in afar lugoodlahana(animals) la heshiishiiyaan wehelna ka dhigtaa waana lagu shubay waxay shuuciyadu lahayd wasaarada propogaandada ku shub oo ka shuba aakhirataankii waxay ku danbaysay dil iyo rafaad waqtigeediina waa dhamaaday.

Bal qiyaas haday caloosha ikhtiyaarkeedu ku maamusho guul intee leeg ayaad mutaysanaysaa, dhaxalkeedu waa nolol bilaa xikmad ah oo hoog iyo dhib kuu sugnaatay.

Dadkeena intooda Awooda iyo maalka haysataa waa calooshooda la ciyaar waxaa la wayn waxhaynta waqtigu ku simay(leading by assumption) calooshu haday dharagto way qooqdaa xadkeediina way ka gudubtaa, dhagahoodu ma jecla inay maqlaan gaaja jirta inta baahan cida u hadashana cadowbay ka dhigataa cidbaa kaa danbaysa isma laha miyaanay ogayn in xisaabtaa ilaahay kaliya u sugnaatay, Abwaan cabdi qays erayo ka mida maansooyinkiisii wuxuu ku tilmaamay sidan

Waa dahaadhka oogada

Dubka iyo maqaarkiyo

Hadii diirka laga qalo

Jidhku damaq ma yeeshee

Dhaqankaaga duudsiga

Hadii dayro laga dhigo

Noloshaadu dayriyo

Ileen diirimaad maleh

Hadaan diintu qabanayn

Sharci kaa dabaalayn

Dabar kaa ceshaa jirin

Dadku waa balaayee

Dadkeena inta danyarta ah ee xanuunada iyo abaartu naafaysay waxaa ka dhab ah in Qarankani sii jiro lexo jeclo badan ayay u qabaan dalkooda,dadkoodaba,iyadoo dhibaatooyinka haystaa badan yihiin waxaa rafaadkaas ilawsiiya kalgacal ay u qabaan wadankoodan nabada ah, waxay gaajada ugu sabraan gu’gaa curan doona,tani waxaa cadayn u ah dulmiga iyo boobkaa caydha ka dhigay hal maalin oo ay ku kacaan ayaa ku filan inta wax ismoodaysa ee macaan jecesha ah.

Siyaasadu waa mabda’a aaminsan in loo shaqeeyo bulshada laguna hogaamiyo hiigsi sarre lana hirgaliyo maamul wanaagsan oo abuura hogaamiyayaal wanaagsan oo ukala danbeeya hogaaminta shacabkooda.

 

In la isu tudho oo umadda caqligeedu aanay jar uga talaabsan inta kale dhibtu way ina wada haysaa Xukuumad,Mucaarid,wadaad,siyaasi,aqoonyahan,oday dhaqameed ilaahayna intaas uunbuu weydiinayaan wixii ay qabteen ee loo dirsaday siday ka yeelaan.

Ilaahay ha inaggu asturro Ameen

Qalinkii: Ahmedyasin Sh Omar Ahmed furre

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso