Baraaruga Bulshada 2

Baraaruga_Bulshada 2

“Waari mayside war ha kaa hadho?”
Maxaad ka fahantay hal ku dhegan ama kaaga baxay?,
Wari maysid oo waa xaqiiqa aan qofna diidi kara jirin, waa  xukun qof kastaa ku xukumanyahay inaanu waari. Balse muxuu yahay warka kaa hadhaya?, ma war uun baa xumaan iyo samaan ku doono ha ahaade?.
Waa caado-hadaleed liita oo Bulshada Somaliyeed isticmaasho, bal u fiirso mid baa dagaal iyo dhib ku caan ah ayaa dhimanaya, waxa la odhanaya wuxuu ahaa nin noocaas iyo noocaas ah iyadoo amaan la hubinayo, balse xaqiiqdu waxay tahay warka qofkaasi ka hadhay inuu yahay mid madaw oo xumaan ka maragkacaya.
Intee qof ayuu war ka hadhay lakin uu yahay war xun ama intee qof ayuu war ka hadhay balse wanaag iyo dhaqan suubanaani ka hadhay, Tusaale ahaan Fircoon, Qaaruun, iyo in kale oo badanba warka ka hadhay waa xumaan Allah laga magan galo, halka ambiyadii iyo addoomada Allah warka ka hadhay uu yahay wanaag iyo tusaale aynu ku dayanayno.
Halku-dhageenu waa “waari mayside war fiican oo aakhiro iyo adduunyaba ku anfacaa ha kaa hadho”.

La soco 4T Talo, tilmaan, tusaale iyo toosinba Insha Allah.
By Eng Maxamuud Muxammad Axmad (Eng.Rabbaani)

E-mail:mmahmed_1435@hotmail.com
Facebook: Rabbaani Muhammad Ahmad

Advertisement

Ku Xayeysiiso