Gudaha Ka Eeg : Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Soo Gunaanadey Tartan Ciyaareed Lagu Xusaayey Mujaahid Maxamed Mooge Liibaan oo Ka Dhacay Garoonka Cadeyse ee Degmada Maxamed Mooge ee Hargeysa .

Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa soo gebo-gabeeyey tartan ciyaareed lagu xusaayey Alle ha u naxariistee Mujaahid Maxamed Mooge Liibaan oo uu soo qaban-qaabiyey xisbigaasi isla mar ahaantaana ka dhacay garoonka cadeyse ee ku yaala degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.

Tartan ciyaareedkan oo ujeedkiisu ahaa siddii da’yarta looggu dhiiri-gelin lahaa ciyaaraha isla mar ahaantaana loogga mashquulin lahaa aafada Tahriibtai iyo mukhaadaraadka oo muddo laba bilood ah ka socday garoonkaasi, ayaa waxa gunaanadka tartankaasi kala soo qeyb-galay guddoomiye Cirro qaar ka mid ah madaxda heer degmo iyo weli ba sida oo kale mas’uuliyiinta xisbigaasi ee ka soo jeeda degmada Maxamed Mooge.

Gudoomiye Cirro oo si aada looggu soo dhaweeyey garoonkaasi, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu soo gunaanado isla mar ahaantaan uu soo xidho tartan ciyaareedkaasi, waxaana uu balan-qaaday in ay ka xisbi ahaan sii wadi doonaan tartanada noocan oo kale ah ee da’yarta lagu dhiiri-gelinaayo.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso