Gudaha Ka Eeg :Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Tacsi Diray .

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE

05 May 2017

TACSI GUDDOOMIYE

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada iyo guud shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Dr. Maxamuud Cabdillaahi Jaamac (Sifir) oo ku geeriyooday magaalada New York ee dalka Maraykanka taariikhdu tahay 05 May 2017.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ku tilmaamay Marxuum Dr. Maxamuud Cabdillaahi Jaamac (Sifir)inuu ahaa aqoonyahan iyo siyaasi waayo-arag ah oo caan ka ahaa dhulalka Soomaalidu degto, kana baxay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo muddo dheer ka soo shaqaynayey Qaramada Midoobay oo uu xilal sare ka soo qabtay, sidoo kalena ka mid ahaa aqoonyahankii taageerada wayn ka gaystay halgankii dib-u-xoraynta dalka Somaliland, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka oo kii u dambeeyey  ahaa Safiirka Somaliland fadhiya waddanka Kenya.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumadda Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

 

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE

Attachments area

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso