Daawo: Ciidamada Dawlada Somaliya Oo Wasiirki ugu Horeeyey Si Kama Ah ugu furay Rasaas Taas oo uu U geeriyooday AHN Wasiirka Hawlaha Guud

Faaf faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil caawa fiidkii agagaarka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya loogu geestay Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska ee Xukuumada Soomaaliya Cabaas Cabdulaahi Sheekh Siraaji.

Wasiirka ayaa lagu dilay agagaarka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaana dilkiisa ka dambeeyay ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya oo la sheegay in ilaalo u ahaayeen Hanti-Dhowraha Qaranka Dr Nuur Faarax.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Wasiirka oo watay gaari nuuca raaxada ah uu ku dhawaaday gaari la sheegay in uu leeyahay Hanti-Dhowraha Qaranka , waxaana ilaalada gaarigaasi oo ka shakiyay Gaariga Wasiirka ku fureen rasaas taa oo haleeshay Wasiir Siraaji.

Allaha u Naxariistee Wasiirka ayaa durba u geeriyooday rasaasta ku dhacday, Saraakiil katirsan laamaha amaanka ayaa laga soo xigtay in dilka wasiirka ka dambeeyeen ilaalada Hanti-dhowraha Qaranka oo ka shakiyya Gaariga Wasiirka oo ahaa gaari nuuca raaxada.

Dilka caawa magaalada Muqdisho loogu geestay Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya sidoo kale ahaa Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya waxaa si weyn uga naxay Golaha Wasiirada, Xildhibaanada labada Aqal iyo dhamana dadkii sida weyn u yaqiinay.

Waxaa dura caawa la bilaabay baaritaano ku aadan sida uu u dhacay dilka loo geestay Xildhibaan Cabaas Cabdulaahi Sheekh Siraaji, waxaana warar aan helnay sheegayaan in lasoo xiray askartii ka dambeysay dilkii caawa loo geestay Wasiirka.

Allaha u naxafriistee Xildhibaan Cabaas Cabdulaahi Sheekh Siraaji ayaa ahaa Wasiirkii ugu da’da yaraa Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya, Wasiirka ayaana dhashay sanadkii 1986-dii waxa uuna nasiib ku yeeshay in uu kamid noqdo Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Golaha Wsaiirada.

Advertisement

Ku Xayeysiiso