Innovate Ventures Waxay Dib u Maalgalinaysaa hal abuurka fikradaha ganacsiga ee Soomaalida

HARGEISA, Somaliland, 1st May, 2017/ — Innovate Ventures (www.Innovate.so) waxay qaban qaabinaysaa sanadkii labaad maalgashiga ganacsiga kaas oo ay guulo badan ka soo hoysay. Barnaamijkan waxa soo wada diyaariyay maalgaliyayna haya’adaha VC4A (https://VC4A.com), Oxfam, WorkinProgress, iyo Telesom. Sanadii lasoo dhaafay waxa codsiyo ganacsi oo kala duwan soo xaraystay in ka badan 183 business ku waas oo ku guulaystay lacago iyo farsamoyin xaga kobcinta ganacsiga ahba.

Sanadka 2017 barnamijkani waxa u qorshaysan in maalgashi kabaladhan sanadkii lasoo dhaafay in uu soo bandhigo, kaas oo socondoona 12 usbuuc laguna maal gashandoono lacag gaadhaysa $15,000 oo ay bixin doonto hay’ada innovate ventures. Hadaba mashruucani wuxuu caawindoonaa maalgashiga iyo abuurida ganasiga iyo hal abuurka baayacmushtartka gayiga Somalida, kaas oo looga dan leeyahay in uu cobciyo nidaamka dhaqaale ee baayac mushtarka.

Maalgashiga ganacsiga

Arjiyada waxa lagu soo gudbin karaa online kuwaas oo u faran dhamaan dadka fikradaha ganacsiga ama businessyada jecel in loo maal galiyo. Waa inaad ahaataa ganacsade ama qof imika ganacsi bilaabaya oo da’diisu ka yar tahay ama ka wayn tahay 35 jir. Ugu horayn 12 ganacsi ayaa loo dooran doonaa barnamijkan halkaas oo mudo gaadhay sa usbuuc lagu bari doono nidaamka uu barnaamijku u socon doono. Waxa aad loo eegi doonaa tayada dadka ganacsiga soo codsaday, ganaciga nooca ay soo dalbadeen, technologiyada nooca ay isticmaalayaan, iyo halkaas oo lagu baridoono maalgashadayaal ka kooban bangiyo iyo shirkado is gaadhsineed.

Maalinta bandhiga

Barnamijka ganacsigu waxa uu ka kooban yahay kaas oo sharkadaha ku guulaystaa ay ku heli doonaan maalgashi iyo xidhiidh ganacsi oo dhex mara iyaga iyo sharkado waa wayn. Saddexda shirkadood ee ugu waa wayn ayaa waxa ay heli doonaan lacagdhan 15,000 taas oo ah mid lagu maal gashanayo ganacsigaaga oo ay bixin doonto shirkada Innovate Ventures “waxa sidaas yidhi Dr. Abdigani Diriye oo ah maamulaha hay’ada Innovate Ventures iyo Alina Vinogradova, oo ah madaxa isku xidhka barnamijyada ganacsiga oo kasocota hay’ada VC4A”.

Codsiyada:

Innovate Ventures waxa ay qabanaysaa codsiyada maalgashiga ganacsiyada kaas oo xidhmi doona 30th June, 2017. 2da bilood ee soo socdana waxa xooga la saari doonaa tobaboro, xog bixin, iyo fikrado dhaqaale oo lala wadaago  ganacsatada, isku xidh laga dhaxaysiiyo bangiyada iyo shirkadaha maalgashiga wada kuwaas oo maamulayso hay’ada VC4A iyo Innovate Ventures. Hadaba cidii xiisaynaysa waxa ay kusoo gudbinkaraan codsigooda online halkaas oo ay ku soo xaraysan doonaan araajidooda: http://APO.af/uzSb7D.

APO qaybiyey oo ku hadlaya magaca Venture Capital for Africa (VC4A).

Muuqaal qanacsan

Ku saabsan Innovate Ventures:
Innovate Ventures waa dedejiyaha hormoodka ah ee shrikadaha yaryar iyo khasnada teknoolajiga gudaha Somaliland iyo Soomaaliya. Innovate Ventures waxaa loo sameeyay si loo wado oo loo dardargeliyo shirkadaha yaryar ee Soomaaliya iyo Somaliland, loo taageero dufcadda labaad ee ganacsadayaasha Soomaalida, oo loo maalgashado.
Innovate Ventures waxa ay suurto galisay barnamijyo hore kuwaas oo lagu maal gashanayay sida software programs loo sameeyo, sida loo maalgashado ganacsiga kuwaas oo soo socday ilaa 2012.

Ku saabsan WorkinProgress! Isbahaysiga:
WorkinProgress! Isbahaysigu waxay xooga saarayaan furitaanka mustaqbalka dhaqaalaha ee haweenka iyo ragga dhalin yarta ah ee Masar, Nayjeeriya iyo Soomaaliya. Mashruucu ujeedadiisu waa awood u siinta iyagu inay dhaliyaan dakhliyo iyo nolaansho waara — iyagoo helaya shaqo joogto ah  ama ubilaabaya ganacsiyada. Iskaashadayaasha isbahaysiga waxaa ka mid ah Oxfam, VC4Africa iyo Butterfly Works.

Ku saabsan VC4Africa:
VC4Africa waa madasha maalgelinta shirkadaha yaryar waxayna u heelan tahay dhisida shirkaddo isbeddel ka abuuri kara qaaradda Afrika oo taageeraya koboca nidaamka maalgashiga shirkadaha yaryar ee Afrika.
ASAL
Venture Capital for Africa (VC4A)

Advertisement

Ku Xayeysiiso