Senguhu Ma’gallo Amaano Dumar Qaybtii Saddexaad

Senguhu Ma’gallo Amaano Dumar “Qaybtii saddexaad (3-aad)”

Gar-muslax: waxa ay ka mid tahay noocyada garaha dhaqanka, laakiinse, marka loo eegayo dhinacyada loo gar-qaadayo cidna ma’qadiso, sababtoo ah, waxa la qaybiyaa waxa la isku hayey, dabeecadaha gartani leedahay waxa ka mid ah in aanay keenin wax caqiibo-xumo , mana dhantaasho toliimada, gacaleedyada, xidid-tinimada, saaxiibtinimada.
Waxa lagu dhaqmi jiray xeer iyo xanaan, kaasoo lagu xalin jiray wax kasta oo ka qayb qaata in uu saameyn ku yeesho arrimaha dhaqanka nolosha, isla markaana garta muslax may lahayn wax Axdar ah (Arxandaro ah), ama dhibaabe ah amaba saraaye ah, sida, Millad (Dhaar) ama markhaati la isku jirrabo.  Gartani waa garaha ay qaadaan ragga samataliska ahi, waayo ninka samataliska ahi danta oo ku khasabta mooyee had iyo goor ma qaado, kuma degdego gar- cadaawe, sidaa darteedna, waxa uu ku dedaalaa gar-kasta oo loola yimaado inuu ka baajiyo in laga dhigo gar-cadaawe.
Waxa la yidhi: nin hal-adayg ah ayaa had iyo goor cidda isula timaadda ee ay wax kala galaan, xal u helideeda wuu ka gun-gaadhi jiray af iyo adin-ba, dabadeedna nin ay isku degaanka ahaayeen ayaa maalin maalmaha ka mid ah si daymo leh u eegay, isaga oo qiimaynaya raganimadiisa, waxaanu yidhi “Ninkaa hebel nin fiican ka tegi-maayo”, taasoo ula jeedadeedu noqonaysay in uu yahay nin fiican, ka dibna, waxa lagu yidhi “Waayo”, wuxuuna ku jawaabay “Waanu hanbayn.” Somalidu waxay ku maahmaahdaa “Laba garamay iyo laba gantamay galladi kama dhexayso”, taasoo loola jeedo laba gari dhexmartay iyo laba is-dilay asxaani kama dhexayso, sidaa darteedna waxay maahmaahda caynkaas ahi tilmaamaysaa in hadii ay ragga gar-cadaawe dhexmarto ay taasi ku reebi karto calool-xumo hibasho ama hiirtaanyo reebta, taasna waxa laga yaabaa inay dad gacal ah ama tol ah kala fogayso.
Sidaa awgeed bay ragga samataliska ahi had iyo goor ugu taliyaan in garta laga dhigo gar-muslax, isla-markaana, had iyo goor marka uu isqabad yimaado ay ku taliyaan inay fiican tahay in waxyaabo badan la iska dhaafo oo mar walba arrinka korka laga xaadiyo, taas oo loola jeedo inaanad si saqajaanimo ah u xisaabtamin oo aanad si xun wax u qod-qodin, iyadoo ay Somalidu ku maahmaahdo “Lafahana gur xarogana haka tegin”. Waxa kale oo la yidhaahdaa “Gobanimada waa waxaaga oo aad wax ka tagto”, sidaa darteed waxay gobanimadu ama wanaaggu ku jiraa inaad had iyo goor is ururiso, taas oo ay arintu ku qurux badan tahay inaanad cid walba la garnaqsan, sidaa darteed bay ugu nasteexo badan tahay garta la yidhaahdo, “Gar-muslax.
Gar-jileed: Gar jileed ama Gar-badh waxa loo yaqaanaa garta aan dawga ay leedahay la marin ee la marin habaabiyo, macne ahaan kama taggana buus-buus ka horgee, waayo qofka garta loo sito ama loo sheeganayo ayuu ka horgeeyaa wax u eeg wixii loo sheeganaayey, si markaas dadka goobtaasi jooga uu ugaga qosliyo, isagoo doonaya in ay labaduba isku nooc noqdaan.
Gar dad-ban: Somalidu iyagoo aan moodayn in gartani tahay mid garnaqsi guddinimo lagu kala xarago qaadanayo ama aanu garaw ku jirin (Garaw lahayn), ayey si fudud u galaan markhaatigeeda iyo dhexnimadeeda, waxa jirta xikmad tidhaahda “Qosolna hiil leh”, taasoo la yidhaahdo miyaanay hiil iyo eexiba ku jirin hadii laba nin gole ka wada khudbadayso oo midkood loo mashxarado ama loo sacabeeyo, isla markaana si fiican loo dhegaysto, ninka kalena la dhegaysan waayo hadalkiisii oo hadal kale la dhexgeliyo. Gar-shareeco: Garta shareecadu waxay leedahay Millad (Dhaar) iyo Markhaati, isla markaana waxa u dhaqan ah “Carrab eegato”, taas oo macneheedu yahay inay guddiga gar-qaadaysaa ay ku kala xukunto wixii ay afka ka yidhaahdaan dhinacyada dacwaddu ka dhexayso ama markhaatiyadu yidhaahdaan.
Laakiin garta caynkaas ah waxa uu xukunkeedu yahay inaanay dadka waxba u qaybin ee ninkii gartu u dhacdo oo qudha wax siisa.
Tusaale ahaan waxa la yidhi nin yuhuudi ah ayaa Caano u dhiibtay nin muslin ah, ka dibna ninkii muslinka ahaa ayaa caanihii yuhuudigu u dhiibtay qaar cabbey, dabadeedna ninkii Yuhuudiga ahaa iyo ninkii muslinka ahaa way is qabsadeen, ka dibna waxay isula tageen Nebi Maxamed (N.N.K.H) iyo Cali Binu Abii Daalib, dabadeedna ninkii Yuhuudiga ahaa ayaa yidhi “Nebi allaw caano ayaan u dhiibtay ninkaa, dabadeedna caanihii ayuu badh iga cabay”. Ninkii muslinka ahaa ayaa isna yidhi “waxba kama cabin”, laakiin Cali Binu Abii Daalib oo arka caanihii oo ninkii muslinka ahaa calooshiisa ka muuqda ayaa is yidhi farta ku fiiq oo waxaad tidhaahdaa “Sow kuwaa calooshaada ka muuqda”, laakiin nebiga oo is-ba arka ayaa Cali gacanta qabtay oo ku yidhi “Sug Caliyow waxaad aragto aniguba waan arkaaye”. Ka dibna nebigii ayaa ninkii Yuhuudiga ahaa ku yidhi “Markhaati ma haysataa”, Yuhuudigiina wuxuu ku jawaabay “Maya ma haysto markhaati”, intaa ka dibna nebigu ninkii muslinka ahaa ayuu ku yidhi “Ku dhaaro inaanad caanihiisa badh ka cabbin’, laakiin ninkii muslinka ahaa wuu ka joogsaday dhaartii, dabadeedna nebigii wuxuu ku yidhi ninkii muslinka ahaa “Ninka caanihii aad ka cabtay sii”. Waayo hadii sidii Cali garta loo niqi lahaa suurtagal ma noqoteen, waayo inagu ma ogin waxa caloosha ku jira ileyn arintaa ilaahay baa xikmad uga dan lahaaye. Sidaa darteed gartu waxay u ka maarmin wayday in wixii la isku dafiro Millad ama markhaati lagu kala sed-qaado. Gar-xisdi: Gartani waxay ka mid tahay garaha xeer-beegti, waxayna inta badan martaa inta ay marto garta shareeco.
Gar-booli: Waxa dhacda inay laba qof ama nin isku qaybsadaan wax aanu midkoodna lahayn, sida lacag iyaga oo wada socda ay meel cidla ah ka heleen, ka dibna uu labada nin midna hor arkay, midna horqaaday, lacagtaasina waa booli aanu labada nin ee isku haysta midna lahayn, laakiin marka laga gar-qaado labada nin mid-baa booligaa yeelanaya oo aanu xayiigle (Xaqlihii ay lacagtu ka luntay) mooyaane aanay cid kale ka kaxayn karin.
Waatii hore loo yidhi: Gari laba nin kama wada qosliso, sidaa darteed garta booli xeerkeedu waxa weeye “Booli waxa leh ninka gacanta ku hordhigay” …………..la soco..

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

Advertisement

Ku Xayeysiiso