Gudaha Ka Eeg :Caanaha Loo Yaqaan Anchor Oo Lagu Daaweenayo Dadkii Shubanku Ku Dhacay Ee Ku Dhaqan Degmada Daroor .

Waxaa Muddooyinkii u danbeeyay Degmada Daroor ka dilaacay Xanuunka Shubanka, iyadoo ay u dhinteen Dad badan halka tiro kale oo dad ahi ay u jiifaan xanuunkaas .

Gurmad dhan walba ah ayaa gaadhayaa Degmadaasi, waxaana si wayn loola tacaalayaa xaaladda Bulshadaasi .

Wararka ka imanaya Degmadaasi ayaa sheegaya In Caanaha loo yaqaan Anchor ay wax wayn ka tartay Xaaladda Bulshadaasi, Waxaana la sheegay in marka caanaha loo yaqaan Anchor la qaso ee la fadhiisiyo ay dadka ka Joojinayso Shubanka, Halka marka sida caadiga ah-na loo walaaqo ay qofka ka joojinayso Matagga .

Caanaha ayaa wax wayn ka taray la tacaalidda Bulshada xanuunka Shubanku saameeyay, waxaana gurmadka ugu badan ee Bulshadaasi gaadhay ay u badantahay Caanaha loo yaqaan Anchor .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso