Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Mashruucii Dhamka Xumbo Weyne Oo Maanta Si Rasmi Ah Loogu Dhawaaqay Inuu Hirgalay.

   Hargeysa(ToggaHerer)Muddo kooban ayaa lagu dhamaystiray Dhamka Xubmo weyne oo uu madaxweynaha Jamhuuryadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo dhagax dhigay, soona kormeeray intii uu socday mashruucaasi, iyadoo maanta uu madaxweyne ku xigeenks Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) si rasmi ah xadhiga uga jaray mashruucaasi oo ay dawladda Imaaraadku ugu deeqday Somaliland, ka dib codsi uu madaxweyne Axmed Silaanyo u gudbiyey dalka Imaaraadka, waxaanu dhamaystirka mashruucani hordhac u yahay laba dham oo kale oo iyana dhawaan la filayo in la bilaabo, isagoo tusaale fiican u noqday kan laas-deero kuwa hadhay oo ku dhamaaday muddo kooban, iyadoo laga gun gaadhay ujeedadii laga lahaa oo ahayd in la helo biyo keyd ah oo dalku u baahan yahay, lagana faa’iideeyo biyaha badda ku darsama ee dooxyada ka soo rogmada.

Xaflada furitaanka o ahayd mid qiimo gaara xambaarsanayd aadna loo soo agaasimayoo ay ka soo qaybgaleen haldoorka Somaliland, iyo masuuliyiin ka socday Imaaraadka oo ku hadlayey afka Khaliifa Foundation iyo Engineeradii hawshan ku hawlanaa intii ay socotay, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha degmada laas-geel oo u mahadnaqay xukuumada iyo dadka deegaanku siday isaga xil saareen hirgelinta dhamkaasi, sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay madaxda dhaqanka, siyaasiyiin uu ka mid yahay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, iyo Xubno wasiiro ah oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland, Biyaha iyo Madaxtooyada Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo munaasibadaasi isagu xadhiga ka jaray ayaa ka hadlay ahmiyada uu leeyahay Dhamku, waxaanu yidhi “Maanta waa maalin weyn oo aynu guddomayno deeq aad u qiimo badan oo inooga timi  walaalaheena dalka Imaaradka carabta waxaan u mahad celinaynaa Madaxwayanaha dawlada imaaradka Sheekh Khaliif binu Saayid Al Nahyaan iyo walaalihiisa hawshan hareeraha la haya iyo hay’ada lasoo marshay dhaqaalahan ee khaliifa fondation qiimaha uu inoogu fadhiyaa waxa weeye, waa biyo xidheenkii koowaad ee dalka laga sameeyo maalintii Madaxweynuhu dhagax dhigayay dadka qaar riyo ayay la ahayd riyadii ayaa rumawday biyo la qabtayna qasaaro ma leh oo marka ay ugu yartahay intaasoo xayawaana oo qaar aynu dhaqano iyo kuwo kaleba ayaa ku noolaanaya oo horta biyo la qabtay qasaaro ma leh waxaanu u mahad celinayaa dadka deegaankan hawsha laga qabtay dhalinyarada, haweenka iyo odayaasha inta halkan ka joogta mashaariicda ay naga ogolaadeen ee qalinka nuugu duugeen inay inoo fulinayaan kani waa kii ugu horeeyay laakiin waxaanu jecelnahay inay meelo farabadan inaga caawiyaan biyo xidheenkunna qiimo yar maaha oo halkii biyo xidheen lacagta gashay waxay noqonaysaa lacag lagu dhiso 20 riig wixii aynu is dhaafsanayana waa wax labadeena ummadoodba u dana dadka indheer garadka ahina maanta waxay u arkaan inaanu talaabo hor leh qaadnay oo aynu ku xidhanay dawlado la ictiraafsan yahay ama shirkado caalamka caan ka ah taasi waxay sababtay in orod loogu jiro maanta sidii dalkan Somaliland loo maalgashan lahaa nolosheenana waa inaynu qaabaynaa oo maanta way ina saamaysay cimiladii oo gu’gii imika bil buu sii socdaa hadana roob ma ahayno”. Waxaanu madaxweyne ku xigeenku kormeeray indhahana ka soo qaaday qaabka uu u shaqaynayo dhamku.

Advertisement

Ku Xayeysiiso