Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo maanta dhaariyay Ardayda Jaamacadaha ee ka shaqayn doona kaadh qaybinta

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta dhaariyay Ardayda Jaamacadaha ee ka shaqayn doona kaadh qaybinta Gobolka Saaxil iyo Xeebaha Sanaag, kadib markay dhamaysteen laba maalmood oo tababar ah.

Geesta kalana waxa gobolka Awdal uga socda tababarkii shaqaalaha ka hawl galaya kaadh qaybinta gobolka Awdal.
Ardaydan ayaa loo tababaray habka iyo hannaanka ay u qaybin doonaan kaadhadhka codbixinta oo maalinta sabtida ah ee bishu tahay 29 April 2017 ka bilaabmaaya Gobolada Awdal, Saaxil iyo Xeebaha Gobolka Sanaag.

Advertisement

Ku Xayeysiiso