Cambaarayn: Lix Muwaaddin Oo 100 Cisho Hargeysa Ugu Xidhan Dhar La Midab Ah Calanka Soomaaliya!

20kii Jeneweri 2017ka ayaa Mukhtaar Xasan Cilmi lagu xidhay Xarunta Dembi-baadhista (C.I.D) ee magaalada Hargeysa, isaga oo lagu eedeeyay in uu maryo u eg calanka Soomaaliya ku iibinayay magaalada Hargeysa. Waxa hortii xabsiga loo taxaabay afar haween oo lagu qoonsaday in ay ku lebbisteen dhar u eg midabka buluugga ah ee calanka Soomaaliya. Mukhtaar waxa uu suuqa Hargeysa ku haystaa meherad kooban oo dharka lagu iibiyo, mana aha ganacsade hu’ga soo dejiya. Si uu u daw-baxo, waxa uu sheegay meheradaha waaweyn ee dharkan dalka keena, laakiin xukuumadda iyo ciidanka boolisku wax tallaabo ah kama ay qaadin tijaarta sida sharciga ah u soo dejisa dharkan lagu taxaabay lixda muwaaddin ee aan waxba galabsannin.

 

Lixdaas qof waxa ay magacyadoodu kala yihiin

Mukhtaar Xasan Cilmi

Cabdirisaaq Xasan Ibraahin

Umalkhayr Maxamed Muuse

Shaadiya Rashiid Shidane

Umalkhayr Farxaan Axmed iyo

Iqra Ismaaciil Cige

 

Falkani waxa uu shabbahayaa sababtii uu Abwaan Gaarriye Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo’e u curiyay maansada Hashii Cosob 1980kii. Waxa ay muujinaysay in nidaamka Soomaaliya uu naas-nuujiyo ganacsato waaweyn, isla markaana uu jeebleyaasha ku eedeeyo in ay suuq madow abuureen. Meerisyadeeda waxa ka mid ahaa:

 

Anaa Cabdillaahi

War-geys u ah caydha.

Caloosha danleeyda,

Anaa cabbiraaya.

 

Anaa carrabkayga

Xammaalku cabbaayo,

U diiday cir-weyne

Inaan ku casuumo.

 

Gafuur cadho yeelki

Intaan cosob-raaco,

Wallee is-ma caayo.

Waxsay tahay caawa

Calaacalimaayo.

 

Haddeerse caleenta

Xagaagu caddeeyey

Cimraa u run-sheegay.

Dhurwaaga ciyaaya

Cabaadku naf weeye.

 

Haddaad caqli leeday

Intaad cilmi-baadho,

Car suuqa madoobi

Cidduu yahay soo hel!

 

Ma jeeblahan cawlan

Ayaa ku curyaanshay?

Kumaa cadawgaa ah?

 

Fulaa cararaaya

Maxaad ugu ciidmi?

Dhiqlaa ku cunaaya

Intaad ka cabsooto,

Maxaad naf cagaagan

Islaan cimri-goys ah

Cibaado sabool ah

Culayska u saari?

 

Eedaysanayaasha waxa la horgeeyay maxkamadda Gobolka Hargeysa, waxaanay maxkamaddu 08dii March 2017ka soo saartay qaraar ah in xorriyaddooda loo celiyo lixda muwaaddin ee muddada xidhnaa. Go’aankani waxa uu yimi markii dacwadda la dhegaystay, ee wax dembi ah lagu waayay Mukhtaar Xasan Cilmi iyo afarta gabdhood ee xidhan. Waxa la-yaab ah in Xeer-ilaalinta Gobolka Maroodijeex sii-deyntooda ay ka qaadatay rafcaan, waxaana wakiil ka ahaa Xeer-ilaaliye Farxaan Mire Cismaan oo hore rafcaan uga qaatay qaraar 15kii Oktoobar 2016ka, la igu sii daayay.

 

Farxaan Mire Cismaan waxa uu wakiil u noqdaa oogista kiisaska la walaaqayo sida kii sannadkii hore lagu qaaday lixdii Kalkaaliye ee uu  gudaha dhigay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Maroodijeex Cali Suudi Diiriye, eedihii loo jeediyay Samafale Cabdimaalig Muuse Coldoon, wanjalkii aan 88ka cisho u xayirnaa iyo kuwo la mid ah.

 

Inkasta oo uu sharcigu dhigayo in dhegaysiga rafcaanka lagu fuliyo muddo bil ah oo ka bilaabanta maalinta rafcaanka la qaato, waxa afartan cisho laga joogaa maalintii ambiilka laga qaatay eedaysanayaashan. Welina mar labaad lama hor keenin maxkamadda si dacwaddooda loo horgeeyo maxkamadda rafcaanka Maroodijeex. Waxaanay muddo saddex bilood ka badan ku xeraysan yihiin xarunta C.I.D iyo saldhigyada Hargeysa.

 

Waxa aan si xooggan u cambaaraynayaa xadhigga mudda-dhaafka ah ee lala beegsaday muwaaddiniintan aan waxba galabsannin. Iyada oo Somaliland lagu dhex adeegsado boqollaal calan, waxa iga degi weydays sababta lagula colloobay midabka buluugga ah. Waxa aan ku baaqayaa in xeer-ilaalintu si dhakhso ah uga laabato racfaanka aan qiilka wadannin ee ay ka qaadatay dacwaddan male-awaalka ah iyo in si dhakhso ah xorriyaddooda loogu soo celiyo muwaaddiniinta lagu xadgudbay.

 

Waxa aan ciidanka booliska ku dhaafayaa sadarradii uu Abwaan Gaarriye ku xoo xidhay maansada Hashii Cosob oo ahaa:

 

Miyaan cadda-loolka

Habeenki ciyaarta

Carruurtu ku heesin:

“Maroodi cadhoole

Haddii col la sheego

Cadaadda-ku-meere

Hashii Cosob waa tan!”

 

Siciid Maxamuud Gahayr

saedgahair@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso