Somali Xalkeedi Nabada iyo dawladnimada Geeska Ma Garan la’a ee Way garab Maraysaa .!!! W/Q Mohamed Abdirahman

Somalidii Midowday 1960 maanta oo 58 sano ka soo wareegtay waxay joogaan isla waqtigii Xornimada loo dagaalamayay.

Runtii marbay rajada Somaliyeed kor u kac samaysay waana Waqtigii Siyaad Bare & Dawladihii ka horeeyay, in kastoo Siyaad 15kii Sano ee ka dambeeyay Dagaalkii 1977kii ay Somali kala Faquuqantay qaarna la Xasuuqay.

Somaliland waxay dib u raadin ugu jirtaa sidii ay Madax banaanidii 1960kii ula soo noqon lahayd,
halka Somaliyana ay ku dhagan tahay Midnimadii Somaliyeed ayaan Raadinayaa.

Ujeedka ugu wayn ee loo Midoobay waxay ahayd in 5tii Somaliyeed sixni wax kuwada cunaan Midoobaana waana lagu hungoobay.

Maanta Somalida Koonfureed ee Midnimada ku dhagan waxa hiigsigoodu yahay sidii Somali oo dhan loo midayn lahaa Awoodeedi iyo Kartideedi midna malaha oo teedibaa cuslaysay.

Markaan leeyahay Midnimada Somaliyed waa muqadas waxaan shaki ku jirin in Dawladaha jaarka Kenya iyo Ethiopia ay dareen ka qaadaan, waana sababta ay saamayn guud iyo mid gaarba ay ugu leeyihiin Somalia sidii ayna awood u yeelan lahayn.

Runtu hadaba waxay tahay
Alle haw Naxariistee Cabdilahi Yousuf waqti uu ahaa Madaxwaynaha Puntland ayuu bbc somali u sheegay Barnaamijkii Qarnigii tagay iyo Somalida la odhan jiray inay Midnimadii Somaliyeed ku dhacday haadaan dheer oon dib looga soosaari karin.

Rag badan oo Somaliland ah sida Amb Cawil Qaybe AHUN Cigaal AHUN iyo Congo ka mid yihiin oo runtii wax badan Somalida Siyaasadeeda ku soo dhex jiray waxay sheegeen inay Somali dib u Midowdaa habeenkii xalay aha ee tagay weeyi ,waa suuragal oo Somalia iyo Somaliland way heshiin karaan Djabutina way ku qancin karaan lakin labada Gobol DDSI iyo NFD way adag tahay in Somali lagu soo daro iyadoo xeerarka Caalamka iyo ka Africaba diidayo.

Halkaa markay marayso Somalia oo masiirka Somaliadii hore wali gacanta ku haysa waxaa la gudboon haday doonayaan Somali Sharaf iyo Cisi ku noolaata iyo Faragalinta Wadamada Jaarka oo soo af go’da Inay ku xidhan tahay inay heshiis rasmi ah la saxeexdaan Dawladaha Ethiopia iyo Kenya inay Dhulkaasi waligoodba ka mid ahaadaan! Xuduudi 1960kiina la kala joogo lakin Shuruudo ku xidho sida,

In Xuquuqda Somalida halkaasi degan la dhawro sidoo kalena Somalia Masuul ka noqoto wixii dadkaasi dhib u keenaya sidoo kalena Horumarinada Wadamadooda ka socda deeganadasi la gaadhsiiyo.
Somalia,Somaliland iyo waliba Djabuti ha midoobaan ama ha kala tagaane.

Waa hubaal in dawladahaasi jaarku ay Deganansho dareemayaan waxna la qabsanayaan Dawladaha Somaliyeed .
Waa hubaal in Geeska Africa noqon doono Xarunta Ganacsida iyo Nabada Aduunka
Waa hubaal in horumar ay gaadhayaan dadka gayiga Somaliyeed oo dhan jooga.

Lakin inta la leeyahay midnimadu waa muqadas iyo dhulbaa naga maqan waa hubaal in Somali waligeed halkaasi joogayso Cadowgeeduna badanayo kuwa dhulalkaasi jooga ee loo doodayaana ay dhib ka soo gaadhayso iyagoo waligood qori caaradi lagu ilaalinayo.

Markaan sidaa leeyahay ma ihi nin diidan midowgii shantii somaliyeed balse waa xalka lagaga gudbi karo sidaan aaminsanahay burburka iyo dib u socodnimada loona hiigsan karo horumar aad wax kula qabsato wadamada jaarka iyo kuwa aduunkaba,
Inta kale waqtigaa kuu macalin noqon.

Waxaad xeelad ku heli karto xoog laguma raadsho waa hubaal

Qore : Mohamed Abdirahman

Email: dr.caafi100@gmail.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso