Xidigaha Geeska: Qudhaanjow ku Quuso

Hangaraarac laba lugood uma  dhutiyo!!! Xidigaha Geeska ,Calansidayaasha waqtigan ee fanka  dadka Af-Somaliga ku hadla, oo u jawaabay kuwa saadaaliyey gabaldhacooda. Shalaad baratee waa la shubi jiray wah wah!!!!! 

https://www.youtube.com/watch?v=WDGNCABS0HI&t=6001s

Cadowga Somaliland waxa ay saadaaliyeen dhamaadkii iyo burburkii kooxda Xidigaha Geeska oo ay u quudhi laayihiin heerka ay gaadhsiiyeen fanka dadyowga Af-Somaliga ku hadla. Saadaashaa xaasidnimadu ku buuxdo waxa u sibirsaareen dhowr fanaan oo laga saareyn xubinimadii kooxda oo iyagoo ku dabaqay xeer iyaga u gaar ah oo ay isku maamulaan.

 

Waxa la yidhi: “Doqoni meel lagu xafiiltamay in lagu kala tagaybay moodaa” Fanaaniinta  kooxda ka yara duday waxan hubaa in, goor ay noqotaba, soo gurya noqon doonaan. Sobobtoo ah maaha markii ugu horeysay ee sidaasu ka dhex dhacdo kooxda oo hore ayey tan oo kale usoo martay.

 

Dadka xasadka ku ah wanaag kasta oo usoo kordha JSL waxay damceen in ay shaki galiyaan abwaanada iyo fanaaniinta xidigaha oo ay ku sheegeen in aanay waxba aqoon kol haddii ay ka cadhoodeen dhowr qof. Waxa faafiyeen dacaayad ah in Hargeisa ka dhamaaday abwaaniintii iyo fanaaniintii oo maanta wixii ka dambeeya aan la maqli doonin xidigo dambe oo Hargaysa kasoo hilaacaa. Waxa ay halmaameen in goobtani(Somaliland) ay aheyd walina tahay hoyga ay ku ababaan ee uu ku koro fanka Somaliyeed.

 

Taas waxa daliil u ah bandhig faneed ay xidigaha laftoodu qabteen dhowaan oo jawaab haboon u ah dadka sidaa qaba oo loogu qoosgoynayo.

 

Bandhig faneedkaa waxa ku jira hees uu ku luuqeynayo fanaanka Maxamed Bakaal Ciro Oo uu si dadban ummadda ugu sheegayo fanku in saldhigiisu waligii ahaa Somaliland.Heestaa waxa sameeyey Abwaan Jiheeye.

 

Cilmi kii Qabriga Dhigay

Cali Sugale la Dhaawacay

Cabdi Qays Dhaban Dhabay

Cagaf cagaf la dheelmaday

Dhakhtarkii Jeceylk iyo

Cabdi Idan dhexqaadee

Ina xashi Dhamac iyo

Hadrawi na sholaha Dhigay

Sangub kaga Dhawaajee

Dhoodaan, Bidde iyo Huuryo

Ka Samaystay Dhabo

Cartan kii la Dhaadhacay

Yamyam iyo Qarshena Dhibay

Adan Tarabi Dhaansaday

Gabyaagii Dheeg ,

Dhab u helay Sadiiq Birmad

Laabsaalax Xasan Dhuxul

Jeylani ku Dhugtamay

Dhuule kaga Waraaqshee

Weedhsame, Ababe Iyo Dhako

Dhiigooda Raacee Xidigaha geeskana

Dhamaan dhilay

Gadhle kii la Dheeliyey

Faysal Cumar u dhaadhacay

Qoor Yarana la Dhuubtee

Cali Gaabna dhaansaday

Xasan Muumin Dhilay

Xasan Ganey la dhaygagayee

Dhabnaashay Sooraan ……..

 

Hoos ka daawo heestaas

 

Waxa kale oo ku jira hees uu iyada qaadayo Maxamed BK oo uu curiyey gudoomiyahoodu, Laabsaalax, oo runtii la odhan karo waa cashar wanaagsan oo ay haboontahay in wax laga barto.

Heesta magaceeda waxa la yidhaa: Dhulka Soco in Kugu Fillan

 

Aduunyadu dheellibay ku curatoo

Markaad dhinac ka awdaba

Dhankalaa banaanoo

Qabyaday la dhalatay

Qofka aad wax dheertahay

Waxa jira in kaa dhiman

Oo loo dhameystiray…………………..

 

Hoos ka daawo heestaas

https://www.youtube.com/watch?v=dwU7DZfbjBk

 

 

Hoos ka daawo Barnaamujka oo dhameystirran

 

Allaa Mahad Leh

 

Omer Dheeg <dheegsomaliland@gmail.com>

Advertisement

Ku Xayeysiiso