Dambi Miyaa Calanka Somalia Oo La Maamuusaa

 

Dambi Miyaa Calanka Somalia Oo La Maamuusaa

 Mandaq ma aha Somalia oo  dafirsan jiritaanka Somaliland in astaamahooda la maamuusoMaxay aduunka intiisa badan      astaantii NAZI-ga xaaraan looga dhigay? Maxaa dambi looga dhigay fikirkii Hitler haddii la soo qaado?

Goblan baad ismoodiyo iyo inaanad geesiyaal dhaline, 

Bal garawso calankaad laheyd waan ku guud sudhaye,

Kanna Guurye Iga Laab Wax Badan Gocasho ii Keenye. 

Waa maanso Abwaan/Muj. Bashiir Ismaaciil Mire Hargeisa ka tiriyey maallintii wadanka la xoreeyey. Abwaanku wuxu inoo sheegayaa in calankii Somalia ee buluuga ahaa, ee manta lagu morransan yahay soo hadalqaadkiisa, in la laabay oo maanlintaa ka dib aanu xero ku laheyn quluubta dadka Reer Somaliland.

 

Maxaa lagu diidan yahay astaamaha Somalia?     

 

Calanka Somalia in la ixtiraamo oo loo raxleeyo oo loo heeso  maxay reer Somaliland u nacaan? Calamada dawladaha kale maxaa  sidaa si ka duwan looga dareen celiyaa?

 

Mar kasta oo cid reer Somaliland ku abtirsadaa ay Xamar tagaan oo calanka Somaliya lulaan , u heesaan , ama u cayaaraan , waxa dhacda in reer Somaliland ay ka jidhiidhicoodaan oo ay aad uga damqadaan. Damqashadaa dadka aan reer Somaliland aheyn way la yaabaan oo ma fahmaan. Waxa ay is-weydiiyaan maxay calamada iyo astaamaha kale reer Somaliland uga xanaaqi laayihiin ee kuwa Somalia oo qudha  ay u shuufaan? Waxa ay qaarkood ku tilmaamaan in reer Somaliland ay cunsiriyiin yihiin oo ay xaqirayaan reer Somalia
Xaasha xaqiraad iyo cunsiriyadtoona reer Somaliland uma hayaan reer Somalia. Laakiin waxa ay dareensanyihiin astaamaha Somalia ee uu ugu horeeyo  Calanka buluugu ahii waxa watay gulufkii lagu qaaday umadda Somaliland. Reer Somalia waxa iyaga iyo astaamahoodaba looga sirdhiyayaa waxa weeyaan: waxa ay dafirsanyihiin  jiritaanka Somaliland. Reer Somalia waxa lagu diidanyahay waxa ay aaminsanyihiin in iyagu iska leeyihiin Somaliland. Reer Somalia waxa ay dafirsanyihiin in aad wax qabsan karto. Reer Somalia waxa ay rabaan in Hargeisa waligeed Xamar laga daaro.

 

Kolkaa way adagtahay oo la qaadan kari mayo ummad sidaas u dhaqmaysa in astaamahooda iyo waxoodaba la maamuuso oo la loo wadwado iska daa in loo heeso.

Qofkii sidaa yeelaana waxa loo arkaa waa qof ku diganaya reer Somaliland, oo meel kaga dhacay sharaftoodii iyo karaamadoodii. Waa meel ka dhac loo gaysanayo  ummaddi ay xasuuqeen askartii astaanta calanka buluuga ah wadatay.

 

Sidaa awgeedbaan laga yeelleyn cid reer Somaliland ah oo inta Xamar tagaan usoo tuma oo soo maamuusa astaamaha ay wateen diyaaradihii iyo madaafiicdii wadankan buburiyey. Reer Somaliland calanka Somalia wuxu ula mid yahay halka Europe ka taagan tahay astaantii swastika  ee NAZI-gii Adolph Hitler.

Xataa waxa khaladba ah in meeshaaba (Mogadishu) la tago. Goobtu  miyaanay aheyn barta ay dad-qaladkii,  Morgan, Cali Samatar, Af-Weyne …. Halyeyada u yihiin ee hoyga u ah?

 

Allaa Mahad Leh

Omer Dheeg <dheegsomaliland@gmail.com>

Advertisement

Ku Xayeysiiso