“Madaxweyne; Addigaan Ku-Doortay”.! W./Q: Mohamed Hassan Daacad.

Waxaan kuu aqaanay qof daacad u ah dalkiisa,kaas oo wakhti badan galiyay sidii ay shacabkiisu nolol fiican u heli lahaayeen,si ay uga raystaan daranyadda iyo dibindaabyadda ay noloshu leedahay.Intii aan jirayba waxaan maqli jiray inaad tahay qof neceb dulmigga,musuq-maasuqa iyo Xatooyadda xoolaha umadda.Waxaan maqlay inaad tahay Dhaqaalle-yahan bartay Culuumta dhaqaalaha oo marar kala duwan kasoo shaqeeyay hawlaha maaliyadda ee Waddanka.Tusaale ahaan,markii sagaashamaadkii uu dalka ka dhacay sicir-bararka xoogani ee dadka ay nolashu ku adkaatay,waxaad ka mid ahayd ragga loo nisbeeyo inay dhibaataddaas wax weyn ka qabteen,taas oo keentay in Sarifka lacagaha iyo qiimaha nolasha la-asteeyo.Waxaan ka war-hayay inaad muddo dheer ku hamiyaysay inaad taladda waddanka gacanta ku dhigto,si aad u gufayso gondaloolooyin badan oo kuu muuqday wakhtigii aad mucaaradka ahayd,kuwaas oo ay ugu horeeyaan in lagu takri falo hantidda umadda iyo in nidaamka dawladdeed uu koox u afduubnaado,dadka kalena ay daawadayaal ka noqdaan.

Waxyaabaha iigu dhiiri-galiyay iguna qasbay in aan codkayga ku-siiyo muddo aad u dheerna aan safka kuu taagnaado,waxa ka mid ah;inaad ii sheegtay inaad wax muuqda ka qabanayso kaabaayaasha Nolasha;Sida Caafimaadka,Waxbarashadda iyo helitaanka Biyo nadiif ah.Waxaan kuu arkay in nidaamkaaga dawladeed uu saacidi  karo hayaanka nololleed ee Sagaalkayga Caruurta ah ee aan Agoonta kusoo koriyay,kuwaas oo aan ka war-waro sidii aan u dabooli lahaa baahiyooda dhanka walba leh ee nolasha,maadama aan ahay qof danyar ah oo aan awood dhaqaalle oo buuran lahayn.Maalintii aan isu-diwaangalinayay kaadhka aan kuugu codaynayo waxaan safka galay markii aan salaaddii subax foodda kasoo qaaday,waxaanan ka-baxay salaaddii Duhur.Maalintaas Caruurtayta quraac iyo qeddo toona umaan samayn,xataa goobtii yarayd ee maqaaxida ahayd ee aan dhawrka falaasadood ee Shaaha ku iibin-jiray al-baabada umaan furin,sidaasna waxaan u samaynayay inaan qeyb-ka-ahaado inaad himilaada gaadho,berri-na aanad na beerdarayn oo aad hoos noo eegto.Maalintii aan kaadhkaas aan kuugu codaynayo qaadanayay iyo maalintii aan codka ku siinayayba erayo kuma cabiri karo dhibkii I gaadhay iyo rajadaan lahaaba,balse annigga iyo ILAAHAY uun baa og!

Madaxtinimaddii maxaan ka dheefay?

Su’aashan jawaabteeda waxa ila qaba isla-markaasna ila dareemaya boqolaal qoys oo aad u dhaaratay inaad si daacad ah oo aan kala-sooc lahayn ugu adeegayso,kuwaas oo hadda la daalacaya nolasha adag  ee soo food-saartay iyo  dufuuraha qalafsan ee soo waajahay.

Inkasta oo wax walba Qadarka ILAAHAY yihiin,hadana sababta bini’aadam-kuna kama madhna!

Waxa uu xaalkaygu noqday Kud ka guur oo qanjo u guur. Dhibaato walba oo markaas I haysatay wey igu sii labban laabatay,waxaaba igu soo kordhay dhibaatooyin badan oo I gayaysiisay wer-wer joogta ah,kaas oo aan habeenno badan ka seexan waayay.

Waxa maalin cad iga dhaqaaqay saddex ka mid ah caruurtaydii aan agoon-nimmo kusoo koriyay ee aan waayaha adag kala soo dabaashay oo kala ahaa labbo wiil iyo Inan (gabadh),ka dib markii ay cadaalad-daro iyo tix-galin la’aan ka tirsaddeen Wasaarahadda xukuumaddaada ka mid ah. Waxay dareemeen in aannu dalkani ahayn kooddii ay hooyaddood kusoo barbaarin jirtay inay jeclaaddaan oo aanay waxba ku toorsan,taasina waxay dhacday,ka dib markii mid ka mid ah Masuuliyiinta aad umadda xilka ugu dhiibtay uu si cad ugu sheegay in aan dalka looga baahnayn qof aqoontiisa wax ku doonta ee ay  u shaqo tagaan xafiiyadda kale ee ay joogaan Masuuliyiinta ay isku reerka yihiin,waxaanay taasi gayaysiisay niyad-jabkii ugu xumaa ee soo food-saara,waayo waxay habeenno badan oo soo jeed ah  wax ugu baranayeen,aqoonta  aad  barataan halaydinku tix-galiyo oo aad cid walba kaga horaysaan,balse waxay arkeen in kuwii waxbarashadda ka saaqiday loo dhiibay shaqooyin mushar fiican leh,sababtuna ay tahay qaraabo-kiil iyo Nin-jeclaysi.

Ka dib markii ay go’aansaddeen inay tahriibaan oo ay biimayntaas khatarta ah gallaan,waxay gacanta-u-galleen  dad mukhalasiin ah,kuwaas oo ka-doonaya lacag aad u badan oo madax-furasha ah.Dhibaato adduun ayaa ii dhibaamatay,waxay noqotay inaan lacagtaas si uun aan u doono,waxaan iibiyay jagaddii ay Sandaqaddu nooga dhisnayd,waxaan iibiyay dahabkaygii,walaashay oo iyana aan I jeeb-dhaamin-na dahabkeedii ayay ii xaraashtay waxaan awood iyo tamar kasta oo aan lahaa aan iskugu geeyay sidii aan ubadkaygaas uga badbaadin lahaa dhibaatada ay ku jiraan,jeelka la geeyayna uga sii dayn lahaa.

ILAAHAY wuu ii suura-galiyay,Ubadkiina wey kasoo baxeen gacanta cadawgii haystay,waxaan ka codsaday inay waddankood dib-ugu soo noqdaan duruufta jirtina u samraan,balse igamay ogolaan,an-na waxaan ILAAHAY uga baryay inay meel  ay joogaan ku-nabad galaan.

Dhawr bilood ka dib ayay hadana ila soo hadleen,waxaana ay ii sheegeen inay qorshaynayaan inay Doonni raacaan,isla-markaasn ay safar kale oo dad badan  oo kasoo jeeda qaaradda afrika ay ku wehelinayaan ay doonayaan inay ku gallaan qaaradda Yurub oo ay lacag ay saddexdoodu ay doontaas ku raacaan  aan usoo diro.Tallo ayaa igu ciirtay,waxaan hayaa ma jirto oo waan fadho-madhanay,cid aan is-leeyahay dhibaatadda hakula qeybsato-na ma haysto. Waxaan galay xaalad kale oo geeri-na  ahayn nolol-na ahayn.

La-soco…..

Farriin dareen leh oo ay Hooyo Danyar ahi Madaxweynaha u dirayso!



W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Suxufi ,qoraa ah

Email: Abuhamse01@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso