Cige iyo Caraale: maxa ka soo baxay socdaalkii Shoodhe Afweyne

CIGE: ku Heesaya “inanyayahay Diraacyo dirir hooray kal wacan adoo doog arkaayana lama dego abaare”

CARAALE: Maantana yaad u heesaysa

CIGE: Waar tii Somalia ayaan isaga taag la’ahay

CARAALE: Cigow sawta layidhi Imaaraadku wuxuu yidhi Midnimada Federal Republic of Somalia waa Muqdas

CIGE;waar Midnimo iyo Muqdas toona kuma arag war lagu soo qoray Wakaalaad wararka ee Imaaraadka;

CARAALE;saw kii Yusuf Garaad ku soo qoray bartiisa Twitter ka.

CIGE;waar taageerayaalka Shoodhe Afweyne ayuu Panadol uga dhigaya.meesha lacag keliya ayaa loo tagay.

CARAALE;Imika mawaaxaad leedahay saldhigii iyo dakadii Berbera lama soo hadal qaadin

CIGE;Adeer waxaa jira wax la yidhaa Dano gaar ah ( Intrest) Imaaraadkuna markuu Shoodhe Afweyne la
hadlayoo wada hadlkiisa waxaa sal u ah danihiisa

CARAALE; oo waxaad leedahay wuxuu isu miisaamaya Danahiisa iyo ” Midnimada” madaxda Somalidu
shacabkooda ku maaweeliyaan

CIGE; Horta innag u garanmayno waxay labada dhinac kuwada hadleen ee aan saxaafada loo sheegin laakin
wakaalada wararka ee Imaaradku qoraalkeedi halkan ka akhriso oo yaan lagaaga sheekayn

http://wam.ae/fr/details/1395302607952

CARAALE; shaqo iskuma laha wuxuu yusuf garaad qoray iyo waxa Wakaalada wararku qortay

CIGE; Miyaad ku aragtay Somali Republic.?

CARAALE Maya

CIGE:hadaa maxaa kuwareerinaya ma dal Somalia la yidhaa ayaan ka mid ahayn. waraaqaha caynkaas
heshiisyada aye Somalia la gasho ururada iyo dawladaha caalamka hala ururiyo . waayo waxay ka markhaati
kacaysa in Somalia iyadu hor goosatay oo la soo noqtay magacii 1dii July ka hor loo yiqiin, .
Italian Somalia .

Maxamad Cali

Advertisement

Ku Xayeysiiso