Fashilka wasaarada warfaafinta ee ku aadan doodaha lagu wiiqayo jiritaanka somaliland ee kaga imanaya tv yada iyo idaacadaha

Fashilka wasaarada warfaafinta ee ku aadan doodaha lagu wiiqayo jiritaanka somaliland ee kaga imanaya tv yada iyo idaacadaha

 

Madaxwaynaha mustaqbalka isagoo ilaalilanaya xeerarka iyo qawaaninta xisbiyada iyo qaranka u dagsan waxuu inta badan cabiraa dareenka shacabka ee ku aadan dhaliilaha jira.

Sidaynu la socono dalkan jamhuuriyada somaliland waxaa la oran jiray somaliland Protectorate. Dowlad nimadii luntay 1960 waxuu dib ula soo noqdeen 1991,

Somaliland waxay leedahay.  Golayaal qaran sida madaxwayne leh xukuumad, gole barlamaan, gole guurti, maxkamad, asxaab mucaarad iyo muxaafad ah.

Intii  ay Somaliland jirtay waxay ku talaabsatay horumar balaaran sida madaxwaynayaal  si nabad galya ah isku wareejiyay kursiga dalka ugu sareeya, golayaal cod shacab ku fadhiya iyo horumar balaaran oo aan lasoo koobi Karin.

Hadaba dulucda hadalkaygu waxuu yahay waxaynu tv yada iyo idaacadaha ka dhagaysanaa ama ka  daawana dodo,

kuwasoo lagaga hadlayo arimaha Somaliland,

Waxaana dodahaasi kuwada jira xubno siyaasiyiin ah oo ka socda dowlada Somalia iyo dowlada Somaliland.

Waxaa is waydiin mudan,  dowladaha aanu jaarka nahay hawlaha ka socda dalkooda tv yada ku hadla afka somaliga iyo idaacadaha ma faragaliyaan oo kama sameyaan dood ay is hor fadhiisinayaan siyaasiyiin kakala socda dowladaa iyo dowladaha kale ee ay jaarka yihin.

Ka madaxwayne mustaqbal ahaan  waxaa ii muuqata qadiyada jamhuuriyada Somaliland inay mugdi galinayaan tv yada madaxa bananan iyo idaacadaha ku hadla afka somaliga, waxaana u daliil ah talaabo walba oo ay Somaliland qaado waxaa ka doodaya siyaasiyiin Somaliland ka socda iyo kuwa Somalia ah,

Walibana kuwa Somalia ay leeyihin inaga ayaad naga mid tihin oo ma tihidin dal madaxbanaan.

Siyaasiga Somaliland qadiyada dhabta ah ee shacabkan uma muuqato.

Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan usoo jeedinaya wasaarada warfaafinta inay ka joojiso tv yada iyo idaacadaha  ka hawl gala Somaliland doodaha mugdiga galin kara qadiyada iyo madaxbanaanida jamhuuriyada Somaliland.

Doodaha cida loo qabanayo waa inay ahadaan marka hore cid aaminsan qadiyada jamhuuriyada Somaliland kadib dhaliilaha jira iyo toosinta qaabka ay noqonayso laga doodaa.

 

 

mohamed osman <awaadan5@gmail.com>

Advertisement

Ku Xayeysiiso