Warbixin Kooban – Sierra Leone

Warbixin kooban – Sierra Leone 

Waxaan muddo wiigoo shaqo ah soo gaadhay dalka Sierra Leone ee galbeedka Afrika. Waxaan jeclaaday in aan idinla yara wadaago warbixintan kooban ee dalka ku saabsan. 

Waddanka Sierra Leone wuxuu  ka mid ahaa waddamada galbeedka Afrika ee laga dhoofin jiray adoomaha la dejin jiray Maraykanka iyo Ingiriiska, waddamo kale oo Yurub ka tirsan iyo carabta si loo adoonsado looguna shaqaysto. Caasimadda dalka wuxuu magaca Freetown u baxay kadib markii adoomo Afrikaan ah oo Maraykanka iyo Ingiriiska xoriyaddoodiii laga soo siiyey ay dib ugu soo noqdeen una degeen. Wax bilaash ah ood ka helaysaa Freetown ma jiraan. Yuuna magacu ku lu’goyn. 
Muddo 11 sannadood ah ( 1991 – 2002) dalku wuxu ku jiray dagaal .  Jabhad la yidhaa RUF oo doonaysaa in ay xukunka la wareegto ayaa dagaal baas dawladda Sierra Leone kula jirtay. Dagaalkaa dad dhan 50,000 oo qof baa ku dhintay.
Cimilada dalku ma xuma. Wakhtiyadan bisha March iyo April ayuu dalku ugu kulul yahay oo xaraaraddu waxay gaadhaa 34C laakiin inta badan laydh baa jirta cirkuna waa daruuro miidhan oo kulayl aad ah ma dareemaysid. Reer Freetown waxa intaa u dheer bad nadiifa oo ay muwaadiniinta iyo dadka tamashlaha dalka u soo gaadhay ay isku yara qaboojiyaan yarana quusaan. Maalintii dhif iyo naadir baad ku arkaysaa magaalasa  dad cadaan oo ajnabiya. Cadceedu markay sii dhacayso ayey soo baxaan sida fiidmeerta oy badda agteeda u gucleeyaan. 
Badi dadka Wadanka ku nooli 70% waa Muslim madhabka Malikiga haysta, meelahaa 20% na  waa masiixi laakiin waxaad arkaysaa dad Muslim ah oo la yidhaa John, Jimmy, Thomas iyo qaar la mid ah. Ragga aan la shaqeeyo een u umid ayaan ku idhi waar maxaa idinka siya,  sidday ku dhacday in uu qof Muslim ahi magacyadan gaalada ah la baxo. Waxay iigu jawaabeen waa magacyo laga dhaxlay raggii cadcadaa ee  adoomaha Sierra Leone  cabiidsan jiray,  dad badanina kamay fikirin in ay magacyadaa iska bedellaan.

Waddan Afrikaan ah iyo qabiil waa kalama maarmaane, dalka waxa ka jira 13 qabiil meelahaa 13 afna waa lagaga hadlaa. 4ta qabiil ee ugu waawayni waa: Temne ,Mende ,MBA ,LOKO.  Afka dadka badidiisu ku hadlaan waxa la yidhaa Krio oo la iigu tilmaamay af Ingiriisi yara nasakhan oo lagu jacburiyey afafka waddanka lagaga hadlo. Luqada labaad ee badi dadku ku hadlaan waxa la yidhaa Temne. Soomaalidu waa ummadda qudha ee luqad qudha ku hadasha diin qudhana aaminsan inkastoo reer Somaliland shukumaan qaar badani u haystaan canbaruud. 
Dhaqanka reer galbeedla ayaa aad u saameeyey reer Sierra Leone.  Dumarku badi dhar aan asturnayn ama qaar  ku dhagsan oo jidhkooga sawiraya  ayey xidhanyihiin, laakiin waa waddan kulul oo dadku way iska nafisayaan. Rag badan oo dhalinyaro u badan oo xidhan saraawiil jiinisoo dabadu muuqato iyana arkay iyo  qaar sulwaarkii ka siibtay oo uu laalaado. Waxaad is odhanaysaa mayba iska saaraan.

Maalinta Axadda dadka Freetown ku nooli siiba dhalinyaradu way ordaan. Gaadhi samaacado waawayn lagu xidhay miyuusig qoobka ciyaar ahina ka socdo ayaa horgala oo dhalinyaroo dhami daba yaacaan. Dhalinyarta qaar meesha way u soo haasaawe tagaan oo qaar isku maqan baad arkaysaa , qaar miisaan bay ridayaan qaarna saar baa hayoo miyuusiga ayaa sida birlabta u soo jiitay oo way maqanyihiin.  Annagoo hawl soo fulinayna ayaannu  dhalinyartaa ordaya wado kula  kulanay. Meel ay ahayd in aannu u socono nususaace ayaannu u soconay saacad iyo badh. Gaadhigu taayirkuu roggayey  oo meel aad ka marto ma helaysid booliis iyo cid kuu miciintaana hadalkooga daa. Haddaad Freetown Axad tagayso dharkaaga iyo kabahaaga orodka sii qaado.

Sidaad la socotaan waddanku wuxuu ka mid yahay waddamadda Galbeedka Afrika  sida Liberia , Guinea ee uu cudurkii halista ahaa ee Ebola haleelay. Ebola wuxuu ka dilaacay Sierra Leone 18 March 2014 wuxuuna dilay dad ku dhow 5, 000 oo qof laakiin alxamdullilah sida ay WHO xaqiijisay Ebola waxa ugu danbaysay dalka 17 March 2016 inkastoo waddanku weli halis u yahay in uu ku soo laba-kacleeyo. Oday cudurka aan ka waraystay wuxuu igu yidhay markuu cudurku na helay waxa nagu fidiyey aqoon la’aan sida looga hortago waxana nagaga dhintay kalakaalisooyin (nurses) tiro badan oo qalab ay cudurka iskaga ilaaliyaan intii hore haysan. Adoomaha aan soo booqday intaan dalka joogay waxa ka mid ah saddex hablood oo yaryar oo aabahood iyo hooyadoodba Ebola dilay laba sannadood oo isku xiga. 
Hudheelada dalkan Sierra Leone iyo waddamo kale oo galbeedka Afrika oon booqday sida Gambiya iyo Mali waxa iska haysta Lubnaani oo Lubnaanidu aad bay u degaan galbeedka Afrika. Waxa la ii sheegay oo kale in Dhaymanka oo waddankani ku caanyahay qolada ugu danbaysa ee uu gacantooda soo galaa intuuna dalka dibadda uga bixin uu yahay Lubnaanida. Xagga cuntooyinka shacabka waxaan isku dayey maraq khudrad lagu sameeyey la yidgaa Cassava. Aad baan ula dhacay. Waxa la ii sheegay in tuulooyinka Sierra Leone hilibka daayeerka, fiidmeerta iyo jiirka lagu cunno. Waa hilbo aannan ka wardooni doonin.
Xaga fanka Afrikaanka  haddaad xiisayso fanaanka ugu caansan Sierra Leone ee laga dabadhacay waa fanaanka caanka ah ee codka macaan –  al fanaan Emerson. 

Maxamad Cumar Maygaag – Taag 

Advertisement

Ku Xayeysiiso