Sheeko Tuuganimo: Talaw Ma Meeshii Uu Ku Tiiriyey Ayuu Islahaa Ka Tiigso ?

Sheeko Tuuganimo: Talaw Ma Meeshii Uu Ku Tiiriyey Ayuu Islahaa Ka Tiigso ?

Tuugnimaddu waa Ficil, Shaqo ama arin dunida ka caan ah , waxaana jira dhacdooyin mahadhooyin reebay oo laga guntay shaqsiyaad Tuugnimadda ku caan baxay oo Caalamka Soo Maray, waa arin Dunida Diin Kasta oo lagaga dhaqmo iyo Sharci Kasta oo laysku maamulo mid kasta Xumaanteeda iyo Ciqaabka ay Tuugtnimadu leedahay meel cad iska taagtay in qofka Tuuga ahi Dambiile Xaga ALLE (SW) iyo xaga sharciyadda mid kastaba la iisla waafaqsan yahay, malaha fahante Akhristoow in sheekadda aan u socda  tahay Qiso Tuugnimo, hadaba marka 1aad ogow in Tuugnimadu tahay shaqo xun oo mararka qaar in guul iyo guul daro ka sakaw qofka faraha la galaa uu xata dhimasho ka dhaxli karo, balse tani waa mid Mahadho Cashar ah Iyo Ceeb sokeeye uu Tuugii dhagarta u socday ka dhaxlay.

Halkaasi markaynu mareyno ayaa sheekaddan oo nin aanan hada sheekadda ku xusi doonin magaciisa, waxa uu iiga sheekeeyey Qisadan Tuugonimadda ee Yaabka leh, waxaanay dhacday  wakhti hada Nusqarni laga joogo oo aheyd  Siddeetamaadkii (1980,s) ay Magaaladda Hargeysa colaaddaha iyo dagaaladda lagu leeday ku dhex maraayeen Rajiimkii arxanka daraa ee Somalia uu madaxweynaha ka ahaa  Maxamed Siyaad Barre iyo Halgankii Hubeysna ee ururkii Xaqu dirirka Mujaahidiinta SNM u dhexeeyey,  ayaa  Oday Caan ahi waxa uu kulahaa mid ka mid ah  Qaxoontiyaddii loo qaxay Dukaan Aad u Weyn, waxaana  uu meheradiisaasi oo aheyd mida ugu shidan wakhtigaasi Magaaladdaasi dhinac Xeryaha  Qaxoontiga ka aheyd ta ugu weyn inta badana xata dadka Xoolahooda halkaasi u Iibkeena ay waxka iibsaddaan isla markaana ay lacagta dhigtaan, waxaana u hayey Meheradaasi suuqeedu xaamiga ahaa oo ka masuul ahaa nin ku mushahar qaadan jiray, waxaana uu gurigaasi ahaa ka ugu muuq dheer macnaha waxa uu ahaa Daar Dukaan weyn iyo Bakhaat isku jira ah oo aheyd ta ugu muuqa dheer magaaladdaasi.

Hadaba maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa dhacday Qiso aad loo la yaabay isla markaana noqotay  arin aan la filayn oo tallow maxay tahay? Waxa dhacday Qiso dhac iyo Tuugnimo aheyd, oo taloow maxa la dhacay? Oo talow yaa wax dhacay ? oo tallow kuma wax dhacay? (Bal Adba) , dhamaan Su’alahaasi Jawaabtoodu waa inoo soo socdaane, hadii aynu ku horeyno su’aash hore meesha la dhacay waa Meherad Caan aheyd oo la wada-yaqaanay, su’aasha 2aad hadii aynu ka jawaabno waxa xaday meheradii  waa Tuug, su;aasha 3aad hadii aynu ka jawaabno qofka ama tuuga Meheradda Xaday ku ahaa ma nin mise Haweenay, iyo qaabka dhactooyadda loo geystay siday aheyd hort  waxa uu ahaa nin, waxaana ay sheekadu u dhacd ……(?).

Hadaba inta aynaan Jawaabta dambe ee ah qofka uu Tuugu ahaa nin ayuu ahaa, jawaabteeda dhameystirin, bal aynu eegno qaabkii wax u dhaceen iyo Tuugani Qiyaamadda Xatooyadiisa u adeegsanaayo taloow ma ku guuleysan doona Hawlgalkiisa qorsheysan, mise  guul daro iyo Ceeb ayuu Xambaaran mise taloow ka dar oo dibi dhal  ayaabay noqon, hadaba markan Tuuga Xatooyadda ku kacay ee Dukaankani hantidda badani dhextaalo damacu ka galay ma aheyn mid xog la’aani hayso mana aheyn mid Albaabka isku qaadaya si dadku u arkaan maha aha mid Maalin cad meheradaasi in uu Xado ku fududaanaya, balse qorshihiisii waa fikiray oo hadana fikiray oo hadana fikiray, ka dib waxa uu ka maaro waayey in goor Fiidnimo ah uu Meharaddan oo aheyd dhisme Guri Daar ah, waxa uu go,aansaday in uu xaga dambe uga soo dhaco ka dib xagii dambe ayuu hawlgalkiisii ka bilaabay waxaanu in mudo ah qodaayey Seeska Hoose ee Tukaankaasi, wuxu dhulka qodoba ileen waa far qudhi fool ma dhacdo ee mar dambe oo faruhu ku baxeen oo marba Leben iyo Dhagax ka hor yimaado ka fara xalay in uu Seeskii ka gudbo , waxaanu  dalooliyey Seeskii gurigaasi dhulka uu ku qotomay oo tallow inta ka dib maxa dhacay ?.

Ninkii Tuuga ahaa is yidhi Al-tacab Bacdal Raaxa oo farxad dareen ileen  Carqaladii 1aad ka gudbay ee furaha u aheyd in uu guddaha u gali karo Dukaankaasi, waa nin lugna baqa lugna Weerar ku jira ee waxa uu garawsaday in uu intaasi daloolka ku joojiyo oo uga duso iskana Cidhiidhsado si uu guddaha u galo ka dib hadana waxa uu ka fikiray tallow ma madaxa ayaa horeysiisa mise Mijaha daqiiqado yar ka dib waxa uu go’aan Ismiidaamin ah ku goostay in uu madaxa horeysiiyo, intaasi ka dib Suryadii qoorta geli oo hadana hore u sii wad ilaa iyo uu kala badh u galay Gudihii aqalka, inta ka dib maxa dhacay? Waxa dhacay arin aanu fileyn wax ayaa si noqday Illaahay sumxaanuhu watacaala waa Caddaali ninkani xaq aanu laheyn ayuu rabay in uu qaato oo Xaq qof kale leeyahay ayuu rabay in uu dhagar u geysto, waxaana ku dhacday arin layaab iyo mucjiso ah taasi oo ah, kolkii Tuugani Kala  badh qaarkiisa hore ah  guddaha u galay qaarkiisa dambe ee ilaa Misigta inta ka dambaysa ahina wali dibadda uu yaalo ayaa waxa si mucjiso ah dhaqaaq aan in uu ku soo dumay aheyn hoos ugu soo go’ay qeybtii sare ee Seeska uu dhexda ka dalooliyey, waxaana uu isku dayey in uu guddaha u sii socdo balse wax kasta samee oo labaddiisii gacmood iyo labadii lugood rafasho ka dhamaatay, ka dib waxaay la noqotay in giddaarku hoos ugu sii socdo waxaanu is yidhi walee malagaagii ayaaba galay caawa, hadana mar kale is yidhi waar tallow ma qab ayaad gashay ileen wuxu marar badan ka taxadiri Jiray sheekooyin uu hore u maqlay oo ahaa Tuugba isaga oo meel u dhacaaya Qabgalay , hadana mar kale is yidhi xaalku haduu sidan ku sii socdo  malaha oo laba ayaad u kala go’I hadii aad isa sii dhaq dhaqaajiso.

Intaasi markii uu xaalku taagan yahay, ayuu Qaylo ooda kaga qaaday oo waar iga saaray iyo waar I badbaadiyey ayuu Xaalkiisu ku soo oodmay, waxaabase uga sii daran markii uu ogaaday in Dibaddaba dadka marayaa aanay Qaylo dhaantiisa iyo Baroortiisa cidiba ka war haynin oo maqleyn, kuye aniga is biday bal maan lugaha la soo galo meel baastan  ileen qofka ugu horeeya ayaa igu tuntansanlahaaye, bal adba, Qaylo dhaan iyo Baroortiisu isqoorsatay hadana gurmad la’aan waxaase uga sii daran iil-kii uu isku jiqsiiyey oo sida Cinjirka iyo Jeebadda Askartu dadka ku xidho ayaa hadii uu nuuxsado ku sii rooraaya, ala maxa ku watay maxaase kala haysta Tuugan iyo hogii uu qotay, halkaasi marka uu arin maraayo ayaa nin guriga daba maraayey oo Qiyaastii dhinaca Qaxoontigu deganaa doonaayey in uu u sii Caraabo ka dib Saacaddo badan oo uu Qayilaad u joogay dhanka Meheraddaha iyo Magaaladda ah,wuxu  is yidhi halkan Kaadi ku yar qabo kaadidiisii dhameysay kuna rushee Lugihii Tuuga ileen Lugo ay Nuuxsi ku jiraan maahe oo SABAD ayaa dulsaarane , hadana Tuugii Kaadidii dareen Mijaha hore ee uu Suryadda kala baxay la dul istaagay ninkii Tuug ahaa Firig Firig ayuu dib u bilaabay, haseyeeshe inta ka dib taloow maxa dhacay ?

Inta ka dib ninkii Marqaansanaa ileen waa Nin Maqaaxi Tiriig u shidan yahay Saacaddo Badan Fadhiyey oo Meel Madaw Kaadidu la soo gashay,  mar qudha ayuu isaga laftiisii Cirka isla booday oo Qaylo ku dhuftay, sababtuna waxay aheyd Shaw Firgixdii Lugaha Tuuga Meesha Xuurtaysnaa Saacadda Baddan ee Kaadida dareemay ayaa isaga laftiisa Lugihiisii ku dhaceen, Orod meeshii kaga bax ninkii Madawga soo galay, ka dib Meherad aan sidaaba uga sii fogeyn oo Isla Sekedan Dukaanka xaladdu ka socoto ku dhawaa, ayaa rag badani ka soo yaaceen, ninkii oo naxsan la waraysay, lana soo raac oo goobtii Tooshash loogu yimid, Mise Laba Lugood oo aan xata Qaarkii Dambe la socon ayaa Guriga ka sii jeeda, la yaab, yaab iyo Amakaag iyo Fajaciso dad badan goobta ku soo buuqay ku noqotay arintani, dadka qaarse fahme in Tuug Meheradda u dhacaayey oo aan ALLE u xil qarin uu meesha ku cadilan yahay, dadkii goobta Joogay ayaaba qaarkood durtadiiba bilaabeen inay Labadan Mijood (Lugood) ee meesha ka soo jeeda xoog ku soo jiidaan, Ala maxa haysta Tuuga kuye,” Ala HAYAAY, HAY KALA SIIBINAAY, WAAR IGA DAAYAAY, AAR XAGAN KALAYAY OO GUDAHA DUKAANKA SOO GALA OO IGA JIIDA MEESHA”, bal adba ?

Hadase la maqal Codkiisa iyo Jibaadka uu ku tiiraabaayo, inta ka dib Meheraddii ayuu xalku noqday in la jabiyo oo loogu soo galo, lagana siibo Hogii dibadda u daloolay ee uu isagu isku Jiqsiiyey iyada oo Gacmaha Laba Nin xoog u jiideen, balse markan meeshii laga saaray, qof kasta is waydii oo is yidhi Imaanka ALLE ka qaadku taloow yuu yahay iyo bal Tuuga wajigiisa ha la eego in la garto, taloow waa kuma , taloow yuu noqday Tuugii? Cajab iyo Af-kala qaad iyo qof arkaaba yaab, waxa mar kaliye dadkii meesha iskugu soo ururay ku war heleen markii Tooshka lagu qabtay oo ninkii uu noqday Kii Meharadda Xaaji Hebelka lahaa u dhiibtay, waa Inan la wada garanaayo, waa inan caan magaaladda ka ahaa waligii caano ma daadshe ayaa loo yaqaanay, hadase waa tuug la qabtay talo ma leh, waxa uga daran meel u nooli ma jirto oo waa Murxaday waa Xuurtoon, Makhribkii Qabtu galay wakhtiga la qabtay ee laga saaray waa 9:00 Habeenimo, Gardaro ALLE ma guuleeye   ninkii Meheradda ka masuulka ahaa oo Qasnadii soo dhawaystay si uu meesha uu ka baxaayo uga tiigsado Lagu Jeebee Dabaqoodhigii Qaxoontiga ee Itoobiyanka ahaan isaga oo Ordayaa markiiba soo gaadh oo Jeebo ku jabi oo Taxaab,  , hore ayaa murti Somaliyeed u tidhi Booraan Hadimo ha qodin hadii aad qodana ha dheereyn ku dhici doontana mooye, murti kale waxay tidhaahdaa Daacadi ma hunguwdo ileen ninka masuuliyadda Dukaanka ninkaasi talaxumoobay u dhiibtay daacad ayuu ahaaye,kkkkkk.

Qalinkii. Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil

Eimail: Abdiwali1991@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso