Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Xadhiga ka Jaray Mashaariic Badan

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Maanta mashaariic Waaweyn oo Lag hirgaliyey Gobolka Jarar gaar ahaan Dhagaxbuur Xadhiga Ka Jaray.

Madaxweynaha ayaa Xadhiga ka Jaray Mashruuc Weyn oo Biyo Galin ah Oo ay Xukuumadu hirgalisay, Mashruuca Biyo Galinta Magaalada Dhagaxbuur oo looga soo jiiday 20km,Mashruuca Biyo Galinta Gabi,Cobale ilaa iyo Higlalay oo Guud ahaan isku noqonaysa 52km Oo 5Km ba laga sameeyay Goobo dadka iyo Xooluhu ka Cabaan Mashruucan Oo ay ku baxday Lacag aad u badan Ayay Bulshadu Aad u soo dhawaysay.

Geesta Kale Madaxweynuhu Waxa uu Xadhiga Ka Jaray buundada u dhaxaysa Dhagaxbuur iyo Degmada Dhagax Madoow ee koor celista.

Gurmadka iyo gargaarka hagar la`aanta ah ee uu dadkiisa gaadhsiinayo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafdiga la socdayba waxaa dheeraa Furitaanka Mashaariico waawayn oo ka mid ah kuwa ay xukuumadu fulisay wakhtigan xaadirka ah isla markaana ka turjumaya Waxqabadyada horumarineed ee sida xawliga ah fulintooda ugu guulaystay xukuumada Ddsi mudda yar gudeheed.

Mashaariicahaas la fuliyey ayaa Waxa ka mid ah 9 ceel oo kuwa nooca riiga loo yaqaan ah iyo mashaariica kale.

Waxaana la kala fuliyay:-

1. Ceelka Boholalay Oo Lagaqoday Deg Bilcil Buur Ee Gobolka Jarar,
2. Ceelka Lahelow Oo Lagulaqoday Degmada Lahel-Yucub Ee Gobolka Doollo,
3. Ceelka Jiilaal Jabiye Oo Laga Qoday Degmada Wardheer Ee Gobolka Doolo,
4.Ceelka Butaac-Wayne Oo Laga Qoday Degmada Daroor Ee Gobolka Jarar,
5.Ceelka Gu’day Oo Laga Qoday Degmada Awaare Ee Gobolka Jarar,
6. Ceelka Bacaad Oo Laga Qoday Degmada Dhanaan Ee Gobolka Shabeele,
7. Ceelka Sagageed Oo Lagaqoday Demada Sagag Ee Gobolka Nogob
8.Ceelka Dhagaxmadaw Oo Laga Qoday Degmada Dhagaxmadaw Ee Gobolka Jarar,
9. Ceelka Balli Jano (Balli Dhiig) oo ka Tirsan Degmada Gaashaamo ee Gobolka Jarar.


Advertisement

Ku Xayeysiiso