Jenaral Cirfiid oo ka badbaaday Qaraxii Goor Dhawayd ka Dhacay Muqdisho.

Gaadhi laga soo Buuxiyey Waxyaabaha Qaraxa ayaa lagu weeraray Kolanyo la socotay Taliyaha Cusub ee Ciidamada Xoogga dalka Dalkaasi Somalia Maxamed Jimcaale Cirfiid.

Jeneraal Cifriid ayaa ka badbaaday qarax la doonayay in lagu khaarijiyo oo ka dhacay agagaarka Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Soomaliya .

Qaraxa ayaa la la eegtay kolanyo Gaadiid ah oo galbineeysay taliyaha oo doonayay in ay galaan xarunta Wasaarada Gaashaandhiga.
Taliyaha ayaa la xaqiijiyay in uu ka bad baaday qaraxaasi oo ahaa gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa hayeeshee waxa jira khasaare ciidamada ka Soo Gaadhay gaar ahaan kuwa ilaalada Taliyaha.

Advertisement

Ku Xayeysiiso