Waftigii uu Hogaaminayay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo goor dhawayd Gaadhay Degmada Sagag ee Gobolka Nogob+ Sawiro

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Md Cabdi Maxamuud Cumar Iyo Waftiga uu Hogaaminayay ee socdaalkoodii dheeraa ku marayay qaar kamid ah gobolada iyo degmooyinka deegaanka ayaa goor dhawayd gaadhay Degmada Sagag Ee Gobalka Nogob Isago Madaxwaynuhu Saaka Kaaso Baxay Garbo Wuxuuna Soo maray Qabaleeya Badan sida, Mugweyn, Ciidadowe.

Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Qof kasta Oo Wada Kumaro wakhti la qaadanayay Si Uu U Ogaado Xaaladda Dhabta Ah ee jirta.

Todobaadadii u Dambeeyey ayaa Madaxweynaha Dawlad Deegaanku Safar Loogu Magacdaray Roob doon uu ku marayay Dhulweynaha Dawlad Deegaanka si uu ugu kuurgalo Xaalada Nololeed iyo Abaarta Ka jirta Deegaanka Sidoo kalena furayay Mashaariic badan oo lag hirgeliyey Dawlad Deegaanka una badnaa Ceelal Biyood ama riigag laga Qoday Dhul badan oo Deegaanka ah.

Dawlad Deegaanka ayaa mudooyinkii u dambeeyey taladana uu hayay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ku Talaabsatay horumar dhinacyo badan leh lana Taaban Karo.


Advertisement

Ku Xayeysiiso