Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo Shir u Diyaargarowga Doorashada ku Saabsan la Yeeshay Garabka Dhallinyarada Xisbiga

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shir ku saabsan u diyaargarowga ololaha doorahsada la yeeshay Garabka Dhallinyarada heer Qaran xisbiga.
Kulan ballaadhan oo ka qabsoomay hoolka xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ku leeyahay caasimadda Hargeysa maanta, waxa ka qaybgalay xubno ka mid ah hoggaanka sare oo uu ugu horreeyo Guddoomiye Muuse Biixi, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad Md. Axmed Cabdi-dheere, Xoghayaha guud ee xisbiga Md. Xasan Siciid Yuusuf, hoggaanka Garabka Haweenka, saraakiil ka tirsan xukuumadd, aqoonyahan iyo xubno taageerayaasha waawayn ee xisbiga ka mid ah iyo hoggaanka sare ee Garabka Dhallinyarada.


Guddoomiyaha iyo madaxda kale ee KULMIYE waxay la wadaageen Garabka Dhallinyarada barmaamijyo ay u diyaariyeen hawlaha u diyaargarowga iyo ololaha doorashada Madaxtooyada ee u qorshaysan inay dhacdo bisha November ee sannadkan 2017, taas oo si wadajir ah loogu lafaguray qodobada iyo arrimaha uu ka kooban yahay qorshahaasi.


Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ku boorriyey garabyada xisbiga, gaar ahaan ka dhallinyarada inay sii wadaan hirgelinta qorshayaasha iyo barmaamijyada xisbiga ee doorashada, isla markaana horumarin ku sii sameeyaan.


Kulanku waxa uu ku soo gabobagoobay dardaaranno iyo ballamo la isku faray sii xoojinta dadaallada iyo shaqada lagu diyaargaroobayo doorashada soo socota si xisbigu uga midho-dhaliyo guul uu mar labaad ku qabto talada waddanka ee ilaa hadda muddada uu xilka hayey lagu majeertay waxqabadka iyo horumarka baaxadda leh ee dhinac walba leh.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso