Trump oo Ku Qaabilay Xi Jinping Goob Loo Tamashlo Tago

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa soo dhaweeyay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinp.

Kulankoodii u horeeyayna wuxuu ku qaabilay goob loo tamashletago oo ku taalla Florida halkaas oo ay ku shireen.

Trump ayaa sheegay in labada nin “ay saaxiibbo noqdeen” iyaga oo kuwada casheeyay goobta loo tamashle tago ee loo yaqaanno Mar-a-Lago oo uu shaqsiyan u leeyahay madaxweyne Donald Trump.

Hogaamiyaha Maraykanka ayaa la filayaa in uu dabada ka riixo dhigiisa Shiinaha si ficil looga qaado Kuuriyada Waqooyi.

Xi ayaa isna raadinaya in uu kala hadlo Trump arrimaha Taiwan.

Trump ayaa sheegay in kulankoodu uu noqon doono “mid adag” sanadkii horana wuxuu ku eedeeyay Shiinaha “in uu kufsanayo Maraykanka”.

Markii uu ku jiray ol’olihii doorashada ayuu sheegay in ganacsiga aan miisaanayn iyo shaqooyinka la waayahayo aan loo dulqaadan doonin. Laakiin goobtii lagu cashaynahayay Khamiistii muusood oo farxad ayaa ka muuqatay labada hogaamiye iyo labadooda xaasba.

Advertisement

Ku Xayeysiiso