Daawo: Marykanka oo Weerar Gantaalo ah ku Qaaday Bartilmaameedyo Suuriya Ku Yaal Xili Bashaar Asadna uu Ku Buufiyey Suunta dadka Gumaada

Dowladda Mareykanku ayaa xalay gantaalo ku garaacday saldhigyo ay leeyihiin ciidamada cirka ee dalka Suuriya.


Weerarkan ayuu Mareykanku sheegay in uu jawaab u ahaa, weerar loo adeegsaday Kiimiko oo lagu qaaday dad rayid ah maalmo ka hor, kaas oo lagu eedeyay xukuumadda Bashar al-Assad.

waxaana la sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen in ka badan boqol qofood oo rayid ah. Wararka ayaa intaasi ku daraya in 56 gantaal oo nooca Tomahawk ah lagu garaacay saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Suuriya waxaana laga soo riday maraakiib kuwa bur burburiyayaasha ah oo ay ciidamada Mareykanku leeyihiin kuwaas oo ku sugan badda Mediterranean-ka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa sheegay in weerarkaasi ay ciidamadiisa ku bartilmaameedsadeen saldhigyadii laga soo qaaday weerarkii Kiimikada ahaa ee ka dhacay Siiriya.

Mareykanka ayaa sheegay in uu ka jawaabidoono haddii ay dhacaan weeraro kale oo noocan ah

Advertisement

Ku Xayeysiiso