Maraykanka oo Digay Muwaadiniinteeda degan Kenya ama u Safraya

Dowladda Maraykanka ayaa muwaaddiniinteeda ku sugan Dalka Kenya iyo kuwa u safrayaba uga digtay rabshado laga yaabo iney halkaasi ka dhacaan Bisha Augost oo ah xilliga loo balansan yahay doorashooyinka Dalkaasi.

Hadalkan oo ka soo baxay Xafiiska arrimaha dibedda Dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in ay dhici karaan dibed baxyo nabadeed iyo mudaharaadyo,kuwaasoo isu beddeli kara rabshado ay wax kasoo gaadhaan Dad u dhashay Maraykanka.

Waxaa sidoo kale digniintan lagu sheegay in sida aalaaba dhacda ay fursad u noqon karto canaasiirta dambiilayaasha ah ama argagixisada,kuwaasoo laga yaabo iney beegsadaan ka qaybgalayaasha iyo martida kale ee doorashooyinka.

Dowladda Maraykanka ayaa dhowr goor oo hore soo saartay digniino caynkan oo kale ah, iyadoo muwaadiniinteeda jooga Kenya ku war gelineysa inay ka feejignaadaan degaannada ay rabshadaha ka dhacaan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso