War Deg Deg ah: Fal Gaadhi Jiidhsiin ah oo ka dhacday Badhtamaha caasimada Stockholm ee Sweden iyo Digniin Argagixiso oo Soo Yeedhay

Booliska Sweden ayaa sheegay in Gaadhi kuwa xamuulka ah la jiidhsiiyey meel dadku lugaynayeen lana yidhdaa “Drutnng Gaetan” street caasimada Stockholm ee Sweden, Booliska ayaa daweynaha ugu baaqay kana codsaday in ay ka fogaadaan badhtamaha magaalada .

Gaadhiga dadka Jiidhay

Bilayska ayaa intaa ku daray sheegayna in tiro ka mid ah dadkii jidka marayay dhaawacyo soo gaadheen ka dib markii gaadhiga la jiidhsiiyey waxayna intaa u dareen in rasaas la maqlay suurtagalna tahay in ay toogasho dhacday se aan wali macluumaadkaas la hubin ilaa hadda.

Goobta Falku ka Dhacay

Geesta kale TVGa SVT ee Sweden ayaa xaqiijiyey dhimashada saddex ruux ilaa hadda oo aan la garan haybtooda.

Waxa jira in argagax badani ka muuqdo Goobti uu ka dhacay falku, weerarkan ayaan ilaa hadda la xaqiijin in uu yahay mid argagaxiso iyo in kale.

Advertisement

Ku Xayeysiiso