Daawo: Waxaa Maanta Si rasmi ah looga cabay oo Laga shaqaysiiyey Ceelkii/Riigii Degmada Ballidhiig Oo Dhawaan la filaayey in uu dhamaado

Waxaa Maanta Si rasmi ah looga cabay oo Laga shaqaysiiyey Ceelkii/Riigii Degmada Ballidhiig Oo Dhawaan la filaayey in uu dhamaado

Riinga oo Ka mid ahaa Mashaariicdii Lagu Taageeraayey Dadka Dega Deegaanka Hoos yimaada DDSI Taas oo uu balanqaaday Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar Ayaa Maanta Dadka Reer Ballidhiig Aad ugu Farxeen Durtadiibana ay Bilaabeen in ay ka cabaan Xoolahana ka warabiyaan.

Cilkan ayaa ah ceel Casri ah oo Biyaha ka soo baxayaana uu Deeqaayo dadka deegaankaas hadiiba aanuu dhaafin Sidoo kale waxaa Dadka Reer Balidhiig Sheegeen in ay maanta Farxad wayn oo aan la qiyaasi karin ay u tahay madama ay maanta markii ugu horaysay ay heleen Biyo Nadiif ah taas oo muujinaysa in laga dhabeeyey Balanqaadkii Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso