Murashaxa Xisbiga WADDANI Iyo Waftigii Uu Hoggaaminaayay Oo Kulamo La Yeeshay Wasaarada Arrimaha Dibadda Sweden & Hay-adda Mucaawinooyinka Ee SIDA

Hargeysa(ToggaHerer):-Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) iyo waftigii uu hoggaaminaayay oo wali ku guda jira socdaalkii ay ku marayeen qaar kamid ah Waddamada Yurub, ayaa waxay maanta kulamo kala duwan la qaateen Madaxda ugu saraysa Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Sweden iyo hay-adda mucaawinooyinka u qaabilsan Sweden ee SIDA.

Kulanka Wasaaradda arrimaha dibadda Sweden waxay waftiga madaxda Xisbiga WADDANI ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka oo siweyn kulankaas u hadheeyay, waxaanay Dawladda Sweden u cadaysay Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro iyo xubnihii kulankaas ku wehelinaayay walaaca iyo niyad xumadda Dawladda Sweden ka qabto dibudhacyada ku yimi doorashooyinkii ka qabsoomi laha Somaliland oo dhammaantod daba maray wakhtigii loo qorsheeyay.

Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa uga mahadceliyay Dawladda Sweden gacanta horumarineed ee ay ka gaystaan dhismaha Dalka Somaliland, waxaanu u sharxay sababtii kaliftay dibudhicii ugu danbeeyay ee doorashooyinka Somaliland, isagoo Guddoomiye Cirro tilmaamayay in aanay doorasho qaban karayn iyadoo shacbiga Somaliland intii badnazd abaartu haleeshay dhimashana ku sugnaayeen, wuxuuna ballanqaaday sheegayna in Qaranka Somaliland oo isu dhami hadda ku heshiiyeen in aanay dubudhac danbe ku iman doorashooyinka qabsoomi doona 13 November 2017-ka.

Geesta kale Waftiga Xisbiga WADDANI waxay kulan muhiim u ah Somaliland la yeesheen hay-adda ugu wayn ee bixisa mucaawimooyinka Dalka Sweden oo loo yaqaan SIDA. Waftiga Murashaxa Xisbiga WADDANI hoggaaminaaxo waxay si mugleh ugu sharxeen, afooyinka ka dhashay abaartii darnayd ee ku dhufatay Dalka Somaliland, iyo baahida deg deg ah ee ay hadda u baahanyihiin shacbiga Somaliland.

Madaxda hay-adda SIDA ayaa iyaguna dhankooda ballanqaaday inay sii xojin doonaan Mucaawimadii loo qorsheeyay dadka abaaruhu haleeleen ee ku dhaqan Somaliland, dhawaana war wanaagsan laga maqli doono. Waftiga Xisbiga WADDANI ee uu hoggaaminaayo Murashax Cabdiraxmaan Cirro, ayaa siweyn dalka debadiisa iyo gudahaba looga dareemaya kulamada is barkan ee ay ka wadaan Qaarada Yurub.

Advertisement

Ku Xayeysiiso